26th April 2024  admin  Category :

Xafladda 1da Ogost ee Sanad guurada 19aad ee Asaaska PL ee Magaalada Badhan maanta lagu qabtay

Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimey ayaa lagu qabtay hoolka Xarunta Waxbarashada haweenka ee Xaawo Taako ee magaalada Badhan , taasoo lagu xusayey 19 guuradii kasoo wareegtey asaaskii Puntland.
Waxa xafladan kasoo qayb galay maamulka gobolka iyo laamaha dawlada heer gobol , maamulka degmada Badhan iyo laamaha heer degmo , guddoomiyaha degmada Laasqoray , madaxda ciidamada daraawiishta, Asluubta iyo Booliska , ururada haweenka , ururada dhallinyarada , cuqaal , odayaal , waxgarad iyo Qurbe joog.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Sawirka Gobolka Sanaag.

Xafladan oo la isugu hanbalyeeyey munaasabada 1 da Ogost ayaa waxa goob joogeyaal ka sheekeeyeen asaaskii Punland ee 1998kii iyo muhimada ay u leedahay guud ahaan Soomaali iyo gaar ahaan reer Puntland.

Sidoo kale waxa masuuliyiintu ka warbixiyeen waxqabadkii dawlada Puntland ee gobolka Sanaag mudadii uu Xafiiska Madaxtooyada joogey Mudane Madaxweyne Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas .
Waxyaalaha carrabka lagu dhuftay ayaa waxa ka mid ahaa :
– Dhismaha 4 wasaaradood oo kala ah haweenka , Degaanka , Waxbarashada iyo Xannaanada xoolaha , iyo sidoo kale Saldhiga Booliska degmada Badhan .
– Dhismaha 7 xarumo bulsho ( community centres) iyo suuqa xoolaha ee magaalada Badhan
– Baalleyaasha cad ceedda ku shaqeeya oo lagu xidhay Magaalada Badhan , Hospitalka Xingalool iyo Hospitalka Badhan.
– Dhismaha 6 iskuul , iyo dayactirka 11 iskuul oo kale .
– Qalab caafimaad iyo dawooyin la keenay Hospital ka magaalada Badhan iyo MCH yada gobolka.
– Hirgelinta 5 ceel biyood oo kala ah Booddacad , Damallaxagare , Cawsane , Badhan iyo Daarasalaam , sidoo kale dayactirka lix ceel oo kale ‘( Hadaaftimo , Ceelbuh , Xingalool , Carmale , Habarshiro iyo Yubbe).
– Furitaanka xarunta nafaqada caruurta oo 2 dii bilood uu furnaa lagu nafaqeeyey 50 caruur ah oo la il darraa nafaqo daro.
– Sidoo kale 600 hooyooyin ah iyo 3000 caruur ah oo iyagana nafaqayn loo sameeyey xilligii abaarta iyo ilaa hadda oo dhammaan gobolka oo dhan ah.
– xilligii abaarta oo 73,831 qoys biyo dhaan loo sameeyey , 22,416 oo qoys na raashin iyo lacag loo qaybiyey welina qaarkood loo wado iyo 4,945 qoys oo daaweyn bilaash ah helay.
– Futitaanka xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha .
– Hirgelinta dhismaha Jaamacadda Maakhir , iyo u magcaabida Prof. Caalin Axmed Faatax si loogu shaqeeyo dhismaha cusub loona ballaadhiyo tacliinta iyo tayada Jaamacada.
– Dhismaha Wadada barakaysan re Ceeldaahir- Ceergaabo ee uu Madaxweynaha barakaysani ku dhawaaqay dhaqaale iyo maskaxna ku bixiyey.
– Dayactirka garoonka diyaaradaha ee magaalada Badhan iyo ka shaqaysiintiisa .
– Biyo gelinta magaalada Badhan ee hadda socota .

Intaa waxa dheer mashaariicda nolol dhisidda ah ‘(Livelyhood) , dhowrista caruurta ah , Kulamada cayaareed ee dhallinyarada loo sameeyey ah , mashaariic kalluumaysi , dayactir harooyin iyo ceelal gacmeed ah ee gobolka ka socota oo aan qoraal lagu soo koobi karayn .

Waxqabadkaas oo dhammi wuxu gobolka Sanaag ka hirgalay mudadii 4 sano ahayd ee uu Dawlada Puntland Madaxweynaha ka ahaa Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas , bulshadii xafladda isugu timid na ay uga mahadcelisey dawlada Puntland , waxyaalo kale oo in dhowaan la hirgeliyo oo horumar ahna waa la rajeynayaa oo ay ka mid tahay Dekedda kalluumaysi ee Laasqoray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*