26th March 2024  admin  Category :

Guddi ka shaqeynaya Xaflada caleema saarka Madaxweynaha oo la magacaabay

Dowladda Soomaaliya ayaa magacawday Guddi ka shaqeynaya Xaflada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo xaflada ay dhici doonta 22-ka bishan.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kuna saxiixnaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa lagu magacaabay Guddiga ka shaqeynaya xaflada caleema saarka oo isugu jira illaa lix guddi hoosaas.

Guddigan ayaa waxaa xubno ka ah 8 ka tirsan Wasiirada Xukuumadda, waxaana ay u qeybsan yihiin dhowr qeybood, waxaana Wasiiradan ayaa waxay kala yihiin, Wasiirada Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Amniga, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Warfaafinta, Qorsheynta, iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Hadaba halkan hoose ka akhriso magacyada Guddigan iyo qaabka ay u howl galayaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*