26th July 2024  admin  Category :

Akhriso Taariikh Nololeedkii Alla Haw Naxariistii Duqii Degmada Waaciye Coll.Xirsi.

Taariikh Nololeedkii Alla Haw Naxariistee Duqii Degmada Waaciye Coll.Xirsi Siciid Faarax(Xirsi Gaataa) oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Marxuumku Waxa uu ku dhashay Magaalada Bosaaso taariikhdu markii ay ahayd 1947,dusgi quraanka iyo weliba Dugsiga Hoose/dhexe Waxa uu ku qaatay Isla Magaalada Bosaaso.

Dugsiga Sare Waxa uu kaga baxay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya Taariikhdu markii ay ahayd 1968-dii.

Markii uu dugsiga Sare dhamaystay Marxuumku wuxuu nasiib u yeeshay in Dawlada Soomaaliya ay udirto Tababar Ciidan oo dalka Ruushka Ah,iyadoona Sanadii 1969-kii Marxuumka loo qaaday Academiyada Ciidanka Ruushka ee ku taal Magaalada Odesa.

Tababar mudo qaatay ka dib Marxuum Coll.Xirsi dalka ayuu dib ugu soo laabtay,isagoona laga bilaabo 1980-1982 ahaa Taliye Urur ka ahaa Gobolada Waqooyi ee hada loo yaqaan Somaliland.

Laga Bilaabo 1983-1986-dii Wuxu Taliye Guuto ka ahaa Ciidanka Xooga dalka oo Fadhigoodu ahaa Magaalada Qardho ee deegaanada Puntland.

Laga Bilaabo 1987-1990 Wuxuu ahaa Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Bay iyo Bakool ee xiligan Loo Yaqaan Maamulka Koonfur Galbeed.

Laga Bilaabo 2000 ilaa 2003 Wuxuu Ahaa Taliyihii Ciidanka Booliiska Puntland.

Laga Bilaabo 2005 ilaa 2008 Wuxuu Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland.

Laga Bilaabo 08-10-2016 ilaa 12-02-2017 Wuxuu ahaa Duqa Degmada Waaciye.

Marxuum Coll.Xirsi ayaa ahaa Shakhsi hadal cad,Arimaha  amaankana mudo badan kasoo Shaqeeyey Sida Taariikhdiisa ku xusan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*