28th March 2024  admin  Category :

Guddiga Wadajirka ee dhameystirka sharciga doorashooyinka oo muddo hal isbuuc loo qabtay

Guddiga wadajirka Baarlamaanka ee dhameystirka habraacyada sharciga doorashooyinka ayaa shalay warbixin ka siiyay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka howlihii guddiga u qabsoomay.

Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Guddoomiyaha Guddigan ayaa sheegay intii uu fasaxa ku maqnaa Baarlamaanka ay shaqeynayeen, isagoo xusay inuu saameyn ku yeeshay Coronavirus, la tashadii ay la yeelan lahaayeen dadka ay suura geli weyday, balse taas bedelkeed ay sameeyeen inay shirarka kula qaataan qadka muuqaalka la iska arko.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in ka hor qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka.

Waxaa uu xusay in ka hor 27-ka bishan ay u gudbin doonaan Guddoonka Baarlamaanka habraacyadii ay ka soo shaqeeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Guddiga ku ammaanay shaqadii ay soo qabteen, isla markaana uu dalka doorahsooyin galayo, loogana fadhiyo Guddiga inay shaqadooda soo dhameeyaan muddo hal isbuuc ku siman.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa dhankiisa ammaanay dadaalka Guddigan iyo howshii ays oo qabteen.

Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo baaraan-dagaan hab-raacyo afar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka sida qoondada haweenka ee Baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha Baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland.

27-ka bishan ayuu qorshuhu yahay in Baarlamaanka ay hor-timaado Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaran, si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee uu dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*