19th April 2024  admin  Category :

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay ineey xabsida u taxaabtay Cabdi Maxamuud Cumar (ileey) si maxkamad loo soo taago. Hadaba, dawladda Itoobiya oo oggeed waxa Cabdi Ileey uu sammeenayey sannadihii xukunka uu hayey oo dhan, raalina ogga aheed ayaa maanta waxeey iska dhigeeysaa mid daacad ah, iyada oo dooneeysa ineey jahwareeriso Soomaalida masaakiinta ah ee aan wax badan kalla oggeen, kuwaas oo loo shiddo hadba filinkii la doono.

Maxeey dawladda Itoobiya ay wax ugga qaban weeyday markii horre, haddiiba uu danbiile ahaa? Soomaalidu waa dad aan maskaxda ka shaqeeysiineen oo aan is weeydiin sababta kalliftay in Cabdi Maxamuud Cumar loo xirray maanta, balse awal raali looga ahaa wax kasta. Waxaa dhab ah, in Soomaalida aysan gacanta wax badan uggu jirin, tallada kama danbeeysta ahna ay leeyihiin Amxaarada iyo Tirgreega.

Inta badan, gumeeystaha qidadaha uu ciyaaro ayaa waxaa ka mid ah in dadka la kalla qeeybiyo, dabadeedna marba qolo la keeno xafiiska, berrito ayaad waxaad arki doontaan madaxweeynaha waqtigan la keenay oo isna loo sii waddo xabsiga, isagoona lagu eedeenayo wixii lala oggaa ee uu sameeyay.

Tan iyo intii la billaabay Dawlad Deegaanka Soomaaliya ee Itoobiya, inta badan madaxweeynayaashii soo maray oo dhan waa la xiray, mana jiro qof dhameeystay xukunkiisa. Hadaba, lifaaqa hoose ka dhageeyso warbixin ku saabsan madaxweeynayaashii la xiray.

https://www.voasomali.com/a/4547060.html

Muuqaalada hoose waa Cabid Maxamed Cumar oo ka qeeyb gallay furitaankii ceelka shidaalka. Hadaba, goormaa laga dhigay danbiile?

https://youtu.be/Jhe819Oxvls

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*