29th March 2024  admin  Category :

Ma Rumaysan kartaa in Idaacaddan uu leeyahay Xildhibaan ka mid ah aqalka sare.

Cali Adan Muumin, oo ka sheegaya Idaacadda Goobjoog ee uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Aqalk sare ee lagu magcaabo Abshir Bukhaari, ayaa qoraalkan raynrayntu iyo farxaduu ka muuqato oo is leeyahay kaga aarso weriyaal ka soo jeeda Puntland oo ay si gaar ah isu hayaan soo dhigay isga oo kalsooni ka haysta Mulkilihiisa.

Idaacadda Xildhibaanka Aqalka sare Bukhaari , daqiiqado ka dib marka qaraxu dhacay, ayaa iyagoo oo iska indha tiray Qaraxan ay gaysteen argagixisadu , iyaga oo aan u damqanayn in umadd Soomaaliyeed ku dhinteen ama ku dhaawacmeen qaraxan , iayaga oo rayrayn iyo farxad tusaya Soomaali badani oo wel wel ka qabay markii ay maqleen in qarax dhacay Garowe in ehelkoodu wax ku noqdeen ayaa Cali Adan Muumin oo ku sugan Muqdisho, isaga oo kalsooni ka haysta Mulkiilihiisa Goob joog oo ka mid ah Xildhibaanada aqalka sare Qoraalkan soo dhigay.

Image may contain: 1 person, possible text that says 'Cali Aadan Muumin 7 mins Weriyaasha ka howl gala Puntland qaarkood ayaa isaga aamusay dhacdada Qaraxa ah ee Caawa Garoowe ka dhacday, maadaama Xukuumadda Deni ay lacag badan bixisay sidii weriyaasha jeebka loogu buuxin lahaa, gaar ahaan kuwa shaqeynayey sanadihii lasoo dhaafay. Tira fara kutiris ah oo kamid ah weriyaasha Puntland ayaa wararka gadaaman Qaraxaas soo wariyey, halka ay ka aamuseen intooda badan. 200 113 Comments 3 Shares'

One thought on “Goob joog maxay ugu farxeen qaraxa Garowe

  1. Cawaale

    Dhaqanka maanta soomaaliya yaala ayaa waxa uu noqday qofkii puntland aan wax ka sheegin caayin ama aan dhinkeeda jeclanaan soomaali wadaniya maaha.
    Yarkaan kaligiisna maahane xalay reaction ka dad badan oo soomaaliya markaan akhriyey cabsi bay igu abuurtay sida umadaan wada dhalatay loo kala dilayo iyo nacaybka lagu beerayo mustaqbalkii dalka si kursiga loo joogo

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*