26th July 2024  admin  Category :

Beelaha u baahan inay ka fekeraan xildhibaanada ay u soo dirsanayaan golaha degaanka degmada Boosaso

Beesha Dishiishe, oo ah beesha ugu tirada   badan beelaha  dega degmada   Boosaso , oo ay u badan tahay inuu noqdo duqa soo socda ee magaalada Boosaaso xildhibaan ka soo jeeda bereshaas, ayaa bulshada ku nool degmada Boosaaso iyo degaanada hoos taga  waxay sugayaan in beeshaasi  dhexdoodu ay  iska soo xulaan kuwooda ugu aqoonta badan,  ugu kartida badan, bulshada reer Boosaso iyo degaanada hoos yimaada  sumcad ku leh, la shaqayn kara  maadaxda maamulka Puntland iyo kuwa federaalka.

Xildhibaano wax ka qaban kara amniga degaanka , bilicda magaalada Boosaaso iyo Canshuuraha bulshada laga soo qaado oo aan la musuqmaasiqin.

Xildhibaan la yimaada mid ka duwan kuwa Muqdisho ee ah “Muqdisho unugaa leh’ , oo isagu halhays ka dhigta “Boosaso inagaa wada leh”

Beesha Dubays ee Warsangeli, oo u badan degaanada ka baxsan magaalada Boosaaso, ayaa iyagana la sugayaa inay  iska soo xulaan dhexdooda xildhibaan wax ka qaban kara amniga xun ee ka jira degaanada beeshu degto , Xildhibaan dib u dejin u samayn kara  dadkii ka barakacay degaanadooda, xildhibaan ka shaqeeya sidii beeshu u yeelan lahay xildhibaan Federaa ahl. Xildhibaan fahansan in degaankiisa xoog lagu haysto

Beesha Gaashaanbuureed oo xildhibaankii hore xanuunsanyo, iyagana  waxa la sugayaa in dhexdooda iska soo xulaan  xildhibaan aqoonyahan ah, karti leh  ka soo jeeda beelaha kale ee Gaahaanbuuredd , oo hadda iyagu  haya  xildhibaanka maamul goboleedka Puntland.

Xaq uma laha , xeerka Gaashaanbuurna waa jebinayaan beesha reer Xaaji  haddii ay isu soo sharaxaan Xildhibaanka golaha degaanka magaalada  Boosaso. Waana in cod wada jir ah lagu canbaareeyaa kuwa hunguriyeena ama u hanqal taagaya xilkaas. Midnimada ayaa sidaa ku jirta iyo inaan hub lagaaga dhigan berito oo aan la oran caddalada aad adigu samayn wayday miyaad Aanaga naga rabtaa

Ugu danbayntii Boosaaso maanta waxay u baahan tahay in loo hiiliyo oo la soo xulo xildhibaano wax ka qaban kara amniga magaalada, bilicda iyo horumarka

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*