30th January 2023  admin  Category :

Caado xun oo maguuraan ah iyo dhibaato laga ilbixi waayey ayay noqotay colaadda beelaha dhinaca isku haya oo somaaliyeed meel ay joogaanba. Gugii hooraba Waxa soo jireen ahaa in bulshadii reer guuraagu ay daaqa kala riixato oo halkan geelayga daaqaya ay wiilal aan curan gallafato. Sidoo kale xilliga jiilaalkuna ugama roonayn oo ceelka iyo cawskii hadhay ayaa laysku dili jirey. Halkaa Waxa ka cad inay hasha geeljiruhu dabada ka waday gu’u iyo jiilaalba ay dhiig Ku tumanaysay. Waxa intaa dheeraa dhaca geela aano godob hore hibashadeeda oo iyana ahayd sabab dad badani Ku lumay degenaan sal muggii loo fadhiistana geed dheer Ku laashay. 

Intaa aan xussay iyo in kale oo aan laga geyoonayn waa dhibta isirka soomalliga intii uu jirayba Ku gadaanayd oo uu waa dheer kala dhaxlay. waxaase intaa oo dhan dhinac taallay XEER oday kasoo gaadh ah oo markaad eegto xaqsoorkiisa, qiraalkiisa, iyo tudhaalkiisa aad u qaadannayso in laga soo dheegay diinta islaamka ah oo aan waxba dhaafin. 

Waxa maanta la galay xilli midkaa hore oo xumaanta iyo Samaaanta aan soo sheegnay  lahaa aad uga duwan. Waana arintaa tan  laxawga iyo calool xumada wayn reebaysaa. 
Waxa daaqii la kala riixanayey hadii lagu heshiiyan la wada daaqayay, beddeley degaamayn iyo dalriix aan loo miidaan deyeyn. Mar hadii uu  lumay qiraalkii iyo xaqsoorkii dadku Ku kala asturnaa, Ka adkoow mooyiye u garow wax la waayey ay noqotay waxay u egtahay in nabadii iyo deganaantii gobol sanaag tiillay tacabka badanna la geliyey noqotay barwaaqo lagu kufriyey. Culimadii iyo cuqaashii dhaqanka ayaa qaarkood badheedh xaqa inay u garab maraan caadaystay. 

Meeli ba waa meel, maanta Waxan qormadan kooban oo digniinta iyo wargelinta isugu jirtaa Ku aaddantahay dabka shidan ka huraya; Shidan waa xeebta waqooyi bari oo ah galbeed ka laasqoray. Masiiba laba sano jirsatay ayaa halakaa ka oogan.  Sokeeye alla dartii xaqa u garab istaaga iyo mas’uuliyad cid sheegata oo kale midna waa waydey.  Beelahaa is haya iyadoo dhan walbi qasaare Ku filan hayo, haddana qolada garabsare Waxa ay tirsanayaan rag la laayey oo togga shidan hareerihiisa la dhigay ilaa haddana aan duug iyo diyo ha joogtee maalin laga garaabin dibna looga joogsan damacii iyo dalriixii qasaarahaasi ka dhashay. 

Dhamaadkii 2019 iyo 2020 gii isku dayo dhowr ah oo nabad loogu gogolxaadhayey ayaa guuldarro iyo waqti lumis Ku soo gabagaboobay. Diiwaanno qoran, hanti gaar loo leeyahay sida guryo degaan ah iyo faleen, iyo marag aan cidna u burinayn oo aakhiradooda iibsanayn ayaa maxkamadda ceerigaabo la soo hojiyey laakiin Waxa beesha habaryoonis oo isku hallaynta maamulka somaliland tirsanaysa ayaa muran iyo gardiid mooyiye garowshiinyo iska diidday. Waxa iyana guuldarro aan la dhayalsan Karin noqotay , beelihii guurtida iyo culimada laga xulay oo waxay soo saari lahaayeenba gudoon hortii fashil iyo kala yaac Ku dhamaaday. 

Waxa halkaa ka muuqatay maahmaahdii soomaaliyeed oo oran jirtay, xaajaa falanta e , xujo ma falanto. Sidaa si la mid  ah Waxa weedh muhiim ah, maansooyinkiisii qiimaha lahaa Ku daray abwaankii ereyga iyo aragtiduba u sahalanayd , Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi). Wuxu yiri  “intii qaran dhiskiisiyo dhidibkiisu taagnaa Dheeraad nin dooniyo Nin Ku dheggan xaqiisoo Dhacsanaayey baa jirey. 

Waxa maanta Weli qoriga laysla hor fadhiyaa xeebta shidan iyo buuraha guban oo soo eegaya xeebta. Waxa isaguna intii muddo ahayd joogta noqday gooddiga, dardaarwerinta iyo hanjabaad aan loo meel deyayn oo ka yeedhaysa gudaha magaaladii ceerigaabo Taas oo ahayd magaalo la wada degganyahay qolona aanay sigaar ah isu siin karin. Maantase u muuqata in jidkii lagu soo wada degey laga weeciyey. Ugu dambayn Waxay u muuqataa in ay arinka sii foogaynayso isbidka iyo isku hallaynta beesha habaryoonis Ku haysato gobolka. Waa halkii , maahmaahdii soomaliyeed ka tiri,

Saddex baan laga bogsan , waa cudur geeri og, gaaja Guri og, iyo gardarro garba og. Garabka maamulka oo ay tirsanayso, beesha habaryoonis, ma aha mid mala awaalkeeda ah, balse waa mid loo muujiyey. Intii Dhexdhexaadintu socotay, Waxa jirtay gooro madaxda gobolka, sida governor kii hore ee tiimbaro soo saareen dhulka sida loo kala dego ka dib markii ay soo arkeen. Laakiin , Waxa laga dhigay hadalkoodii wax aan jirin iyaguna waa maamulka e, hore waa ugu sii socon waayeen go’aankaa. 
Goobta laysku hayo goora badan oo dambe ayaa maamulka iyo guurti la xulay oo wax dhexdhexaadinayey yiraahdeen,  Goobta laysku hayo ha la baneeyo oo labada qoloba ha ka caagganaato inta go’aan laga gaadhayo.  Nasiibdaro, Qoladii garabsare oo dhulka maxkamadda ka hor caddaysatay ayaa dibadda ka taagnayd laakiin qolada kale ee habaryoonis wax yiraa ka baxa goobtaa waa la waayey.

Taas bedelkeeda, Markasta oo qolada garabsare goobta tagaan maamulka  gobolka iyo guurtida aan baqdinta ka madax banaanayn oo hamranaya ayaa waxay degdeg ugu dhawaaqaan dib u baxa iyo xukunka u hogaansama iyadoo weliba ay taa barbar socoto hanjabaad iyo Caga juglayn aan dhegta laysaga duwayn. Beesha dulmiga tirsanaysa Waxaa loogu goodiyaa, waa laydin weerarayaa iyo hubkadhigis ayaa laydinku samaynayaa. 

Waxa aan qormadan Ku soo koobayaa, arinkan nin damac galay oo xaq iska indhatiray mahadin maayo. Waayo  kan uu dulmiga ula badheedhay oo deriskiisa ah inuu dhulka ka suuliyo wax la helayo maaha. Kan dulmiga Ku garab siiyayna isaga uu ka dhigayo inuu u hiiliyey iyo kan uu ka hiiliyey dhanna waxba uma tarin. Waayo xaq ayaa lagu degaaye gardarro la garabsiiyaa meel ma gaadho. Baroor tuna buulkeeda ayay Ku hadhaa oo Waxa dhibka dhaxlayaa waa beelaha deriska ah. Waxa tan oo kale tusaale buuxa oo dib loo dheehan kara ah, Tala xumooyinkii la eeday oo aan in yar ka xusi karo sida , 1. kaalshaale iyo sool joogto. 2. Bohol iyo ceelafwayn. 3. Dogoble iyo dhaabeeda. 4. Ugu dambayn shidan iyo lama oodo Waxa laga filan karaa maaha wax ka duwan , waxaa hore looga dhaxlay dulmi gii hore oo naf maal, iyo magacba lagu waayey. 

Gebagebada, qormadan Waxan afka odayaasha beesha garabsare ka haynaa cid walba oo maqaalkan akhridana aannu la wadaagaynaa, A. In ay noo cadeeyeen in ay nabad u heellanyihiin, intii ay hore ugu bixiyeen iyo ka badanna dhankooda diyaar la yihiin haddi cid nabad lillahi lagayahay kasoo go’day dhanka kale lagu hayo. B.  In aanay diyaar u ahayn inay hal talaabo hore u dhaafaan  degaankaa ay hore u caddeyeen lahaanshihiisa. C.  Inay xisaabtan diyaar u yihiin waxii halkaa naf iyo maal Ku lumayna aanay xaq lagu yeeshana la tegeyn wax ka maqanna ka tegayn. D. Ugu dambayn in ay ka afeefanayaan in maamulka iyo guurtidu shuruudo gefnagu ah iyo guryihiinnii laydinka bara kiciyey mar labaad ka guura aan marna nala oran xaqna aanay nagu ahayn. 

Wabilaahi tawfiiq. Shidan media.

1 thought on “Gar-diid waa Allah Diid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*