1st December 2022  admin  Category :

Ganacsato: Canshuurta Al-Shabaab waxaa na looga qaaday xafiisyo u dhow Villa Somalia

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali wada dadaallada ay ku dooneyso inay ku joojiso ama ugu yaraan ku dhinto dhaqaalaha ay Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada oo ay ku tilmaantey mid baad ah oo marka ugu danbeysana dhibaato loogu geysanaayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaase wali soo baxaaya in lacagihii ay sidii hore u qaadaan Al-Shabaab inkastoo dhinacyada qaar culeysyo kasoo wajaheen, sida ay ganacsato kala duwan horey ugu sheegeen VOA.

Qaar ka mida ganacsatada xoolaha oo VOA la soo xariirey ayaa sheegey in xafiisyo ku yaalla Muqdisho, oo qaarkood ku yaalla meelo u dhow Villa Somalia ay Al-Shabaabka lacagta uga qaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*