28th March 2024  admin  Category :

 

3 qof ayaa ku geeryooday tira tobaneeyo qofna way ku dhaawacantay iska horimaad hubeysan oo u dhaxeeyay  maleeshiyaadka SNM-ta iyo dhalinyaro ka kacday dil loo geystay marxuun Maxamed Cawil oo ay dileen maleeshiyaad uu horkacayo tima-weyne oo ah maamulka Hargeysa ugu magacaaban taliyaha qeybta booliiska gobolka sool.

Waxaa gubanaya saldhiga dhexe ee laascaanood iyadoo maleeshiyaadka SNM-ta ay magaalada koonaheeda difaaca ka xidhay shacabka magaalada laascaanood ayaa dhankooda isku soo baxyo balaadhan ka sameysay xaafahaha kala duwan ee magaalada laascaanood waxaa kaloo la gubay laba gaadhi oo ay lahaayeen maleeshiyaadka booliiska laascaanood

Waa markii ugu horeysay oo dil ay geystaan maleeshiyaadka laascaanood islamarkiiba loo aaro oo la dilo laba askari oo SNM-ta iyadoo wixii hadda ka dambeeya sii socon doono gacdoonka bulshada laascaanood oo mudooyinkii u dambeeyay aamusnaanta ka soo hadhay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*