26th April 2024  admin  Category :

Dhawaqa rasaasta dhafan dhaafka u dhacaysa ayaa ilaa hadda ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Inta la ii xaqiijyay, hal ruux ayaa ku geeriyooday rasaas ay riddeen askar kasoo jeeda Jabhadda SNM, iyada oo sidaasi ay u ku bilaabmeen Bannaanbaxyo iyo Weeraro hubaysan oo lagu qaaday Goobaha maamulka Somaliland.

Waxa aan lugahayga ku teggay Saldhiga Dhexe, Bangiga, iyo Taliska Qaybta oo Shacab gaddoodsan la wareegeen.

Waxa la sheegay, in askartii kasoo jeeday Burco ay gebbi ahaanba ka baxeen magaalada Laascaanood, iyaga oo hore usii qaatay tiro aan la xaqiijin oo mayd iyo dhaawacba leh. Cusbitaalka Manhal oo aan la xidhiidhay hal qof oo dhaawac ayaa la gaadhsiiyay, Cusbitaalka guudna waxa la iiga xaqiijiyay dhimashada halkii ruux ee rabshaduhu ka bilaabmeen.

Waxaa hadda Laamiga maraya shacab nefisay, oo si xor ah calanka Soomaaliya u babinaya iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo ay ku diidanyihiin maamulka Somalilan

Dhanka kale warar aan ilaa hada la xaqiijin ayaa sheegaya in ay dhaawaca ciidan maleeshiyaadka hargaysa dhaawacoodu kor u dhaafay 30 ruux hakka maydkooda ay hore usii qaateen waxaana lagala wareege dhamaan xarumiii ay laascaanood ka xukumi jireeen ciidankakasoo jeeda bariga magaaalada burco ee beesha isaaq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*