
15th July 2025 admin Category :
Gabadh walaalkeed kaga adkaatay doorashadii gudaha ee Maraykanka
LaVon Bracy Davis ayaa ka adkaatay walaalkeed, Randolph Bracy, iyada oo noqotay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee u tartamaya kursiga aqalka sare ee gobolka Florida.
LaVon Bracy Davis waxay heshay 42% codadkii la dhiibtay, halka walaalkeed uu noqday kan ugu dambeeyay afarta musharax isagoo helay kaliya 12%.
Hooyada labada musharax, Lavon Wright Bracy, ayaa si muuqata u muujisay dhinaca ay la safan tahay – iyadoo ahayd maamulaha ololaha doorashada ee gabadheeda, sida ku cad boggeeda Instagram.
LaVon Bracy Davis waxaa la filayaa inay ku guuleysato doorashada guud ee bisha Sebtembar, maadaama deegaanka ay u tartamayso uu yahay mid si weyn u taageera Dimuqraadiyiinta. Mid ka mid ah saaxiibada dhow ee qoyska, Geraldine Thompson oo ahayd halgamaa u doodda xuquuqda madaniga, ayaa haysay kursigan ilaa ay ka geeriyootay horraantii sannadkan.
Hooyadooda, Ms Bracy, ayaa ahayd qofka u istaagay marqaatiyeynta arooska Geraldine Thompson (maid of honour).
Qoyska Thompson sidoo kale waxay taageereen LaVon Bracy Davis, iyaga oo si rasmi ah u taageeray musharaxnimadeeda doorashadii Talaadadii.
Boggeeda ololaha doorashada, Ms Bracy Davis waxay isku tilmaantaa inay “haysato tooshkii caddaaladda, horumarka iyo adeegga” ee ay ka dhaxashay Geraldine Thompson.
Dhanka kale, walaalkeed Randolph Bracy, boggiisa ololaha wuxuu ku xusayaa dhaxalka qoyska ee ku saabsan adeegga gobolka bartamaha Florida muddo ka badan 30 sano, balse wuxuu xusay kaliya aabihiis, isagoo aanan xusin hooyadiis.
Mr Bracy ayaa u sheegay wargeyska Orlando Sentinel in ay ahayd “niyad-jab iyo dhaawac dareen” in walaashiis ay go’aansato inay u tartanto doorashada isla markaana ay ka hortagto.
LaVon Bracy Davis badanaa kama aysan hadlin arrinta ay uga hortagtay walaalkeed. BBC-da ayaa la xidhiidhay labadoodaba si ay uga helaan faallo arrintan lku taxalluqda, se way ka gaabsadeen.
Markii uu Mr Bracy u tartamayey kursiga Geraldine Thompson ee doorashadii hore ee Dimuqraadiga sannadkii 2024, LaVon Bracy Davis waxay si cad u taageertay saaxiibkoodii qoyska, Thompson, iyada oo ka hormarisay walaalkeed.
Labada walaalba waxay hore ugu adeegayeen golaha sharci-dejinta ee gobolka Florida, waxaana Mr Bracy uu horey u hayay kursi kale oo aqalka sare ah ilaa uu go’aansaday inuu u tartamo Golaha Wakiillada ee Mareykanka sanadkii 2022.
Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu layaabka badan ee walaalo tartan adag ku galay siyaasadda Mareykanka waxaa la xasuustaa 1871, markaas oo saddexda walaal ee Willard, Gove iyo Eli Saulsbury ay ku tartamayeen kursi Senetka Mareykanka ee gobolka Delaware.
Markii uu Willard arkay inuu ku guuldareysanayo Gove hal ama laba cod, wuxuu taageeradiisa u weeciyay Eli, oo ahaa musharax si lama filaan ah ku soo baxay. Ugu dambayn Eli ayaa ku guuleystay kursiga oo uu ku fadhiyey 18 sano.
Kanada waxaa doorashadii deegaanka ee 2019-ka ka qeybgalay saddex walaalo ah, balse laba ka mid ah oo kaliya ayaa ka hor yimid midba midka kale. Xaaladdaasna hooyadood ma aysan shaacin cidda ay codkeeda siisay.
Marka laga soo tago walaalaha Bracy, waxaa tartankii Talaadadii ee Dimuqraadiga sidoo kale ku jiray laba musharax oo kale – Ian Grayson, oo horey uga tirsanaa Golaha Wakiillada ee Mareykanka, iyo Coretta Anthony-Smith, oo ah garyaqaan u taagan dacwooyinka shilalka.
Guuleystaha tartanka wuxuu la kulmi doonaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga, Willie Montague, laakiin deegaankaas waxaa si weyn u haysta Dimuqraadiyiinta.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, nin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ka shaqeeya arrimaha ololaha ayaa dadka ku nool magaalada Orlando u diray waraaqo xayeysiin ah oo kaftan ku saabsan tartanka walaalaha, isagoo isticmaalay ereyga is-barbardhigga ah: “Bracy yourself.” (oo ka yimid erayga Ingiriiska ah ee “brace yourself” oo macnaheedu yahay: is diyaari!).