26th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Gaas oo galabta kormeeray garoonka Caalamiga ah ee Garoowe oo todobaadkan shaqo bilaabaya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay 7 May 2018 waxaa uu soo kormeeray Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ee magaalada Garoowe, kaas oo nashqadaytiisa iyo qurxintiisu marayso heer gebogebo ah lana filaayo in maalmaha fooda inagu soo haysa ay soo gebageboowdo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa uu Galabta ku tegey garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ayaa waxaa ku wehelinaayey, Wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda  Puntland iyo masuuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*