27th July 2024  admin  Category :

Biyo xidheenkii ugu weynaa Puntland oo laga hirgeliyey Midigale, Degmada Badhan, gobolka Sanaag

Biyo xidheenka Dhoomo ee degaanka Midigale, degmada Badhan  ee gobolka Sanaag ayaa guul laga gaadhey inuu qabto biyihii loogu talo galay.

Biyo xidheenkan oo ay Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladu hirgelisay ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee Puntland laga sameeyo .

Bulshada iyo masuuliyiinta degaanka ayaa Wasaaradda uga mahad celiyey samaynta biyo xidheenkan , waxana la rajeynayaa inuu muddo kaydin doono biyahaas oo dadka iyo duunyaduba ay ka faaiideysan doonaan.

Dawlada Puntland ayaa qorshaysay in laga faaiideysto biyaha togaga ee Badda ku shubmaya degaankana sii baabi’inaya taasoo keentay in la sameeyo biyo xidheeno badan guud ahaan Puntland.

 

Image may contain: outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*