29th January 2023  admin  Category :

Amin Caamir muxuu ugu edebdaroodaa siyasiyiinta ka soo jeeda degaano gaar ah.

Dhowr Bilood ka ka hor waxa is qabtay Saleebaan Cali Koore oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante iyo Talafishanka Universal uu leeyahay Axmadeey Abobakar oo ka soo jeeda Beesha Amin Caamir.

Isla maalintiiba Amin Caamir wuxuu soo sawiray Saleebaan oo KALAB AMA EEY AH oo xag xaganaya calamaddii talafishanka Universal oo beeshooda reer Xamarku lahaayeen.

Maalin ka hor sawir uu soo dhigay wuxu ku xayeesiinayey Warshad ay furteen qaar ka mid ah beeshiisa, oo sida la sheegay uu qayb ku leeyhay, ka dib mar uu lacag badan ka helay kooxo dagaal kula jira maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Warshadda reer Xamarka

Amin Caamin Caamir oo aan ka xishoon, had iyo jeerna ku edeb darooda siyaasiyiinta degaano gaar ah ayaa Marka uu xayeesiinayo Warshadda Beeshiisu ay ka Furatay dalka dibaddiisa wuxuu ku gefay Hogaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland, oo ku sheegay in “iyaga dadka ay metelaanba ay yihiin Adoon u shaqeeya shisheeye

Amin Caamir, kuma joogin inuu siyaasi ka soo jeeda Jubbaland iyo Puntland uu ku edebdarooda, hase ahaate wuxuu garab siiyaa kuwa dalka kala goynaya marka ay timaado midnimada Soomaaliya ilaa lacag ku heli maayee

https://allsanaag.com/dufankii-u-horeeyey-ee-amin-caamir-cunay/

Ugu danbayntii waxa is waydiin mudan mar haddii uu Amiin Caamir ku edebdarooday bulshada Jubbaland iyo Puntland , yuu ugu talo galay in dharka ay warshaddiisu samayso ay ka iibsadaan ilaa maaha Khar khaankii Xamar weyne uu yaqaanay ee u baahnaa Qof iyo labo Macmiil ah

Allsanaag.com

1 thought on “Fiqi tolkiis kama jano tago

  1. Jirac

    Aad iyo aad buu u edeb daranyahay STUPID kan “Amin Amir” rag Somaliyeed buu aflagaadheeyey ee Somali meeshuu oga naalaan lahaa ha diyaarsado asagaa doortay inuu cadow sameysto. Walaahi aniga maantaa iigu horeysay oo aan dhuuxo u jeedkiisa sida uu u bahdilay nin DARWIISH haba ii xumaadee waa I taabtay lakiin maalinba maalinkeede looba joogee.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*