26th July 2024  admin  Category :

[1/18/2009]   Amiin Caamir waa Farshaxan dhexdhexaad ah waa Been dhegeyso

Farshaxanka lagu magacaabo Amiin Caamir oo haatan degan wadanka Kanada, wuxuu had iyo jeer farshaxankiisa ku soo bandhigaa sawiro iyo muuqaalo u gacantiisa ku sawiro, kuwaasi oo uu ku muujiyo hadba wixii markaasi taagan……. Isagoo markaasi aad ugu dadaala inuu dhexdhexaad ka noqdo.

Amiin Caamir xirfadiisa farshaxanimo ee ilaahay hibada u siiyey ka sokow wuxuu waayadan dambe bilaabay warbaahinaha kala duwan ee soomaalida hadba kuwii la soo xidhiidha inuu siiyo waraysiyo salka ku haya aqoontiisa farshaxanimo, hase ahaatee markay si ka bogasho leh uga waraystaan waxay  markiiba ula baydhaan dhinaca siyaasada qasan ee Soomaaliya, iyagoo markaasi doonaya inay fikirkiisa wax ka ogaadaan.

Hadaba dhawaan waxaa waraysi ka qaaday mid ka mid ah mareegaha ku hadla afka maamulka Hargeysa, oday Amiin Caamir waxay weydiiyeen su’aalo dhinaca siyaasada ku saabsan, gaar ahaan maamulka iskiis isu magacaabay, waxaanay weydiiyeen side u aragtaa gooni isu taagga maamulka waqooyi galbeed? Isna wuxuu ku jawaabay Xaq bay u leeyihiin inay goonni isu tagaan!!!!!

Halkan ka dhegaysta Mudane Amiin Caamir  oo u waramaya mid ka mid ah mareegaha maamulka iskiis isu magacaabay Halka ka dhegeyso

Isagoo markaasi u cuskanaya dhibaatooyin u yidhi waa loo geystey xilligii dawladii Siyaad Barre, dabadeedna wuxuu waraysigaasi ku cadeeyey inay xaq u leeyihiin inay gooni u go’aan, hadaba Amiin Caamir haduuba sidaasi sahlan ugu raacay hadafkooda guracan, miyaan odhan karnaa waa dhexdhexaad?

Midda kale Amiin Caamiir su’aalahaasi la weydiinayey waxaadba moodaa in aanu aad uga fekerin, aadna aanu isu weydiinin, sababtoo ah hadii uu aqbalay  maamulkaasi goosashadu jiidhay inay soomaali inteeda kale ka go’aan, markaasi sow ma odhan karno Amiin Caamir jiritaanka soomaaliya wax dan ah oo ka leeyahay ma jirto?!!! Miyeynaan odhan Karin Amiin Caamir waxba kama galin haday soomaaliya kala googo’ayso iyo hadii kaleba?

Sidoo kale Amiin Caamir wuxuu in badan warbaahinaha soomaalida ka sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay xaaladaha siyaasadeed ee soomaalida, qoladan doonaysa inay soomaali ka go’aana wuxuuba yidhi xaq bay u leeyihiin inay gooni isku taaggaan, marka dhexdhexaadnimadii uu ku dooddi jirey bal meel ha la saaro?!! Hadii soomaalidu gobolo ayey kala degtaaye kuwii weydiiya inay go’aanba ma wuxuu odhan doona xaq bay u leeyihiin?!!!

Waxaanba xasuustay  sheekadii Juxaa ee ahayd laba qolo ayaa isleysey ka dibna qoladii u timaadaba wuxuu yidhaahda idiinka xaq u leh, dabadeedna Juxaa marwadiisii oo la socotay xaalka, ayaa ku tidhi waar side baad u odhan kartaa adoon labada dhinacba gartooda dhegaysanin xaq baad u leedihiin?!!! Si uu isaga aamusiyo iyana wuxuu ku yidhi adna xaq baad leedahay!!!!, marka xaalka Amiin Caamir sow sidaasi uma eka?!!! Mise wuxuu qoladan ugu qirayaa eheladiisii ayaa ku sugan ceelka Hargeysa?!!! Allow alle.

Waxaan aad iyo aad uga xumahay in uu Amiin Caamir oo ahaa farshaxanka keliya ee ay soomaalidu wada jeceshahay inuu arrinkaasi ku kaco, isagoo weliba ka fiirinaya meel dhow, balse aanu ka eegin maxaa ka imaan kara hadii soomaali kala yaacdo?!! Adduunweynuhuse diyaar ma u yahay inay soomaaliya kala googo’do?!!! Afrikada madowse diyaar ma u tahay inay wadanka soomaaliya inay qaarna aqoonsato qaarna ay albaabada ka xidhato?!!! Halkii ka leeyahay wax baa loo geysteyna hadayba jirto sow kama haboonayn inuu si kale u dhigo, balse aanu ku raacin fikirkoodan aysan soomaalida kale la qabin?!!!.

Haatan iyo dan Amiin Caamir oo aan filayo inay soomaali badani u hanweynayd, markay dhegaystaan waraysiga uu mareegtaasi siiyey, in badan way kala laaban doontaa taageeradii ay siin jireen, sababtoo ninka muwadinka ah, isla markaasina magaca iyo maamuuska ku leh shacabkiisa, waxaa haboon inuu aad uga fiirsado

Hadii farshaxankii weynaa uu leeyahay xaq bay u leeyihiin goonni isku taagga, soomaali kala daadashadeedu waxba lama aha sow maaha?!!! …..mise inta Hargeysa u joogta ayuu isleeyahay way ku badbaaday, soomaalida kalena yeelkeed? Docna shirarka dib u heshiisiinta ayuu ka taageersan yahay, doc faruurna wuu hoos wadaa?!!!….

/18/2009]   Amiin Caamir waa Farshaxan dhexdhexaad ah waa Been dhegeyso
>Salah Donyale Receives Hero’s Welcome in Bosaso, Puntland
>Line Up for Peace: Somali Peace Day
>The Buhodleh Massacre
>Mohamed Cali Samtar,A Ring of Clasic Scapegoating
>Response to what ICG said about Las-Anod
>A review of nomad Diaries through the eyes of a Somali immigrant
By Xalima
>San Diego’s Little Mogadishi
By Yasmeen Maxamuud
>
>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
>
>
Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yabay markii ay dhegeysteen Waraysi uu Amiin Camiir siiyey mid  ka mid ah Idaacadaha ku hadla afka maamulka Riyaale,waraysigaa ayuuku yiri Amiin Camiir “Somaliland Xaq ayay u leedahay Gooni Isku taaga”isaga oo sabab uga dhigay in shacabka gobolada Waqooyi la xumeeyey wakhtigii dowladii Kacaanka.
Waxaa kale oo lala yaabay Amiin Camiir markii uu goboladii Waqooyi oo dhan siiyey beelaha Dirta Waqooyi wuxuuna ka jawaabay su,aal aanu ka fiirsan waayo dadka degaa gobolada waqooyi ma wada aaminsana fikirkaa qaloocan ee ku aadan kala qeybinta Soomaaliyeed
Sidoo kale dad badan oo Somali ah ayaa qabay in Amiin Camiir uu yahay Farshaxan dhexdhexaad ah inkastoo hada la ogaaday in uu yahay Farshaxan dhinac ka raran
Dhagayso Hadhwanaagnews oo Waraysi Layeelatey Artistaha Caanka ah Amiin Camiir “Somaliland Xaq ayay u leedahay Gooni Isku taaga” Halka ka dhegeyso fashilkii Amiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*