26th April 2024  admin  Category :

Villa Wardhiigley oo Safiir Fiqi kusoo dartay baarlamanka Koonfur Galbeed

Wax aan la saadaalin karin ayey ahayd markii shalay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Axmed Saciid Fiqi uu kasoo dhex muuqdey liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Koonfur Galbeed, wuxuu isoo kale yahay dadka aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Dad badan ayaa rumeysan waayey in Fiqi oo xil aad u sarreeya u haya qaranka uu raadsado xildhibaan maamul goboleed, hase yeeshee waxaa hadda soo baxaya xog dheeri ah oo ku saabsan sababta uu sidaas u sameeyey.

Illo  lagu kalsoon yahay ayaa warbaabinta Puntlandes u sheegay inay Villa Somalia qorsheynayso in Fiqi laga dhigo afhayeenka Baarlamaanka maamulkaas, kadib markii meesha laga saaray afhayeenkii hore Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna.

Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa  wuxuuna aad ugala shaqeeyey Villa Somalia in xilka laga tuuro madaxweynihii hore KG Shariif Xasan Aadan oo is-casilay kahor doorashadii December, 2018, hase waxaa iminka xitaa loo diiday inuu xildhibaan noqdo, oo waxaa ka horistaagtay Villa Somalia.

Sidoo kale waxay Villa Somalia ka horjoosatay inuu ka mid noqdo Baarlamanka Koonfur Galbeed wasiirka Amniga Xasan Eelaay oo beeshiisu usoo xulatay xildhibaanimo.

Ma jirto shaacin rasmi ah oo ka timid Fiqi oo ku saabsan in uu iska casilay xilka danjiraha EU-da si la mid ah safiirka dalka u fadhiya Belgium-ka, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu dhowaan sidaas sameeyo.

Dowladda Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii waxay dedaal badan gelisay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd maamul goboleedyada, talaabadaas oo la dhaleeceeyay.

Badi sharci-dejiyeyaasha kusoo baxay xeer-dejinta ayaa ah wejiyo cusub, taasoo ka dhigan in ay ku yar yihiin xubnihii hore, waxaana laga soo buuxiyey taageerayaasha dowladda.

Si kastaba, xitaa haddii Fiqi laga dhigo guddoomiyaha cusub, waxaa weli ay su’aal ka taagan tahay midka muhiimsan xilkaas iyo kan hadda la filayo inuu ka tago.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*