27th September 2022  admin  Category :

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed musadaq Maxamed, ayaa shalay Safar shaqo Ku tagay dhawr tuulo oo hoostimaada Degmada Badhan ,Ujeedka Safarka ayaa ahaa ka qayb galka Mashaariic Dhagax dhigid iyo Daahfur dhawr ceel biyood ee wakaalada biyaha Puntland ay ka hirgalinayso tuulooyinkaas iyo indha indheen mashaariicda horumarineed ee ka socda degaanadaas waxaa Wasiir ku xigeenka kala qaybgalay kormeerkan masuuliyiin kale oo heer Puntland iyo heer Gobol isugu jira.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed musadaq Maxamed , waxa ka mid ahaa wafdigii dawladda Puntland iyo gobolka Sanaag ee ku weheliyey kormeerkiisa Maareeyeha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, Gudoomiyaha Arimaha Bulshada ee Golaha wakiilada Puntland Xildhibaan Cali Ahmed Dhahar , Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka sanaag Jaamac iyo Isduwaha Wakaalada Biyaha ee Gobolka Sanaag Kayse Cabdiraxmaan Cabdi

ALLSANAAG.COM

Xaquuqda sawirada waxa iska leh wasiir ku xigeenka

Image may contain: one or more people, sky and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*