28th March 2024  admin  Category :

Jengeli waa ayo Somalilandta uu sugayo ee wada hadalka la bilaabaya?

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali oo ka tirsan Guddiga Dhab u heshiisiinta ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inay diyaar yihiin oo ay wataan howshooda, ayna ka sugayaan dhinaca Somaliland Guddigii wada hadalka la bilaabi lahaa.

Wareysi uu siiyay Idaacada BBC-da ayuu sheegay in wada hadalka uu yahay mid labo dhinac ah, isla markaana ay rajeynayaan in wax walba oo jira in wada hadal lagu dhameeyo.

“Annaga diyaar baan nahay howsheena waa wadaanaa, howshaas ma ahan howl ku xiran maamul kaliya mid joogaya iyo mid aan xafiis joogeyn, waxaa sugeynaa guddigii nala fal geli lahaaee ka imaanaya Somaliland ee wada hadalka nala bilaabi lahaa, wax walba oo jira wada hadal ayaa lagu dhameyn doonaa, dad wada hadla ayaa heshiiya”ayuu yiri Cali Axmed Jaamac Jangali.

Xildhibaan Jangali ayaa sheegay in mar walba oo wada hadal la galo la gaari karo xal, isagoo xusay in Guddigooda uu sameeyay qorshihii iyo istiraatiijiyadii ay ku howlgeli lahaayeen.

“Wada hadalka wuxuu udub dhexaad u yahay geeddi socodka nabadeynta iyo Midnimada Soomaaliyeed”ayuu yiri Xildhibaan Jangali.

Mar la weydiiyay in waqtiga dowladda ka harsan uu hal sano ka dhiman yahay sida ay u suura geli karto wada hadaladan iyo haddii dowladdan hada jirta ay meesha ka baxdo oo timaado dowlad kale ayuu xusay in howsha guddigooda aanu ku xirneyn kaliya maamulka hada jira, isagoo intaa ku daray in qorshaha ay diyaariyeen uu yahay mid ay isticmaali karto Xukuumadda soo socota.

Xildhibaan Jengeli oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante, ma sheegin Somalilandta ay sugayaan inay la hadlayaan

https://allsanaag.com/ma-labada-dir-baa-wada-hadlaya/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*