26th March 2024  admin  Category :

Sawirka Farmaajo ma xalaalayn karaa guddida xaaraanta ah ee uu horay u magcaabay. Sidoo kale marka madaxweyne Farmaajo leeyahay ” waa in la helaa xal waara oo miro dhal ah, kaas oo horseeda qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka xukuumadda Somaliland. Yaa Somalilland ah soo kama horayn wada hadalka Gudigan la magcaabin. Guddiga uu magcaabay uu FarmaaJo la sawiran yahay waa kuwan beelaha ay ka soo jeedaan

Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Biyo Maal, Dirta Koonfureed

Cabdirxmaan Macalin Cabdulaahi Abgaal Hawiye

Cali Siciid Fiqi Raxanweyn

Axmed Jaamac Muuse, Habarjeclo, Dirta WaqooyI

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Dhulbahante, Daarood

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay guddiga Dib-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland (Beesha Isaaq)

War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynae Farmaajo uu guddigan ku bogaadiyey shaqooyinka ay qabteen muddadii ay magacaabnaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inay muujinayso sida ay uga go’an tahay horay u socodsiinta isku soo dhawaanshaha labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa guddigan faray in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, kaas oo horseeda qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka xukuumadda Somaliland.

Dhankooda, xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland (beesha Isaaq) ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran.

https://allsanaag.com/maxaad-kala-socotaa-guddiga-wada-hadalka/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*