29th March 2024  admin  Category :

Maxaad kala socotaa Guddiga Farmaajo u magcaabay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya?

Soomaalida inteeda badani wada hadaladan u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ma xiisaynayaan dana kama laha, qaarkoodna raali ayeey ka yihiin wax kasta oo beesha Isaaq Dudmada ay ku jiraan oo ay ku dudeen Soomaali inteeda kale looga soo celinayo in loo sameeyo iyaga oo lagu maslaxayo ,Haddii ay ahaan lahayd Sadbursi dhaqaale, siyaasadeed ama xilal sar sare oo looga magcaabayo dawladda Federaalka.

Hadaba yaa arintani saamaynaysaa siyaasad ahaan maanta iyo mustaqbalka soo socda?

Labada beelood oo ay saamaynayso arintani waa Beesha Isaaq iyo beelaha Harti guud ahaan.

Beesha Isaaq:

Beesha Isaaq, iyagu labada dhinacba waa ku jiraan , hal dhinac oo Somaliland ah iyagaa u badan oo gudoomiye u ah. Dhinaca kale ee magaca Soomaalida wada hadaladan ugu metelayana Xubin ayeey ku leeyihiin, Gudoomiyuha dhanka Soomaalida ka socdaa Waa DIR, Gudoomiyaha dhinaca Somaliland ka socdana waa DIR , maanta saami qaybsiga ku salaysan 4.5 oo ay Soomaali wax ku qaybsato Biyo Maal iyo Habar jeclo Waa Dir, Dirta waqooyi iyo Dirta Koonfureed.

Haddii ay labada dhinacba ay gudoomiyaal ka kala yihiin , Xubin Harbar jeclo ahna au koonfur ka socoto, halka waqooyina xubnaha ka socdaa ay yihiin Habar yoonis, Habar awal iyo Ayuub . Waxay jecel yihiin ayaa ka soo baxaya wada hadaladan , waana kuwa guulaystay

Beelaha Harti:

Beelaha Harti ee Warsangeli, Dhulbahante, Majeerteen iyo Dishiishe

Beesha Dhulbahante, Xubin wasiir ka noqday dawladda federaalka ayeey ku leeyihiin xubnaha ka socda Koonfurta Soomaaliya , xubnaha kala ee ka socda Hargaysa iyagana xubno ayeey ku leeyihiin . Siyaasiyiinta Isaaq iyo Hawiye, raali ayeey ka yihiin Dhulbahante oo Laascaanood laga haysto oo kala qaybsan inay Muqdisho yimaadaan oo Waqooyi iyo Koonfur wax lagu loo qaybsado

Beesha Warsangeli, xubno kuma laha Guddiga ka kala socota Hargaysa iyo Muqdisho. Iyaga waxa u caddalad falaya oo ka wakiil ah Isaaaq. Wada hadalkan Beesha Isaaq ay hor boodayaan waxa maskaxdeeda leh Jaamac Maxamed Qaalib, oo Allah ha u naxariistee maalintii Qorsheel la xiray u tegay Madaxweyne Siyaad oo markaa sida Farmaajo yahay maanta aan aqoon fiican u lahayn beesha Warsangeli, una sheegay inuu wakiil ka yahay beesha Warsangeli. Siyaad Bare waa yeelay, Jaamac yarena qofkii u horeeyey uu amar dul dhigo wuxuu noqday Allah u naxariistee Maxamed Cabdi Qaac

Natiijada wada hadaladan haddii ay ka maqan yihiin beesha Warsangeli wixii ka soo bxaba ma noqon doonaan waxay raali ka yihiin beeshaasi . Sidaas awgeed guuldaro ayeey u tahay wadahadaladan

Beelaha Majeeteen iyo Dishiishe iyagana waxa la doonayaa inay ka mid noqdaan Koonfurta Soomaaliya. labadan Beelood xubno kuma laha wada hadaladan . Halka beesha Biyo maal ee Koonfurta Soomaaliya ay xubin ku leeyihiin oo ah gudoomiyaha , beesha Ogaadeen iyaguna xubin kuma laha, Beesha Mareexaan Farmaajo ayaa ugu wakiil ah oo cuqdadan kula heshiis ah SNM iyo USC

Dastuur iyo sharci toona maaha wada hadalka ay dawladda Soomaaliya la gelayso waxa ay ugu yeedhaan Somaliland , sababtoo ah Soomaali waxay wax ku qaybsadaan Qabiil, maamul goboladeeyo ama 18kii gobol ee jiray burburka ka hor, sidaas awgbaeed wax kasta oo ka soo baxa waa xaaraan.

Ugu danbayntii ninkii maalintii uu golaha wasiirada magcaabay sidii Siyaad bare Todobatameeyadii aan aqoon fiican u lahayn Saldanada beesha warsangeli oo Ciidagale ka waraystay beeshaas oo ka reebay golahiisii wasiirada. Ninka maantana ka hor istaagan Safiir ay helaan , kaalmaynta la dagaalanka alshabaabka Buurha Calmadow ku jira , ka aamusay maalintii 1000 aslari ka soo soo gooteen Soomaaliya diidka in reer Maakhir ka sugaan inauu daacad ka yahay wada hadaladan waxay ku waaberiisan doonaan sida Xildhibaankii aqalka sare ee gobolka Sanaag oo ay indhaha ugu kala qaadeen Xildhibaan Dalxa oo xaaskiisa loo magcaabay Xildhibaanka aqalka sare ee ka soo baxay gobolka Sanaag

ALLSANAAG.COM

https://web.archive.org/web/20101119074128/https://allsanaag.com/Details.asp?id=6787

Mar kasta oo wada hadal noocan ook

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*