26th April 2024  admin  Category :

Haddii Cabdulaahi Yuusuf sidan isu dhiibi lahaa ma haysan lahayn dawladnimada aynu maanta haysano ee la aqoonsan yahay?

Allah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ayaa markii madaxweynaha Soomaaliya loo soo doortay oo uu Muqdisho yimid waxa mucaaradnimo ku soo dhoweeyey iyaga oo hubaysan Sheekh Shariif , Culusoow iyo dhalaanka ilaa hadda ay hogaamiyaan oo uu ka mid yahay Fiqi. Waxa loo diiday inuu Muqdisho ku shaqeeyo.

Intaa laguma joogin ee waxa loo samaystay Jabhado hubaysan sida Muqawimada, Maxaakiimta ururkii Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya,

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf markii uu Muqdsho xooga ku yimid habeen walba wuxuu ku seexan jiray dhawaaqa hubka kala duwan ee kaga iman jiray xaafadaha Muqdisho oo ay amrayeen qaar maanta sheeganaya inay yihiin siyaasiyiin.

Madaxweyne Yuusuf oo ay ka go’nayd in dib loo helo Qaranimo Soomaaliyeed, dheg jalaq uma siin Baaqyaddii Mooryaanta ee radiyo Shabelle ,Horn Afrik iyo BBCdii Yuusuf Garaad

Sidoo kale ma baqdin gelin weeraradii aan joogsiga lahayn oo ay ku dhinteen Soomaali badan, oo ay u badnaayeem Askartii ka raacday Puntland oo qaarkood maydadkooda lagu jiidi jiray xaafadaha Muqdisho iayaga oo lagu sheegi jiray inay yihiin Itoobiyaan

Allah u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf wuxuu dhintay iyada oo ay jirto dawlad Soomaaliyeed oo la aqoon sanyahay , oo ka shaqaynaysa Villa Soomaaliya oo dhowr iyo Tobon sano intaanu Muqdisho iman u xirnayd Mooryaan. Laakiinse isagu uu mar labaad ka taagay calanka Soomaaliyeed, soona celiyey sharaftii iyo sumacaddii ay ummmadda Soomaaliyeed ay lahayd, In badan oo ka mid ahna siyaasiyiinta maanta waa kuwo markaas dagaal kula jiray iyo kuwo qaxwe ku cabayey qurbaha

12 sano ka dib dagaalkii ay Shariif iyo kooxdiisa iclaamiyeen oo ay ku sheegeen inay Itoobiya ku qabsanayaan oo salaada Ciida ku tukanayaan Addis , Cabdulaahi Yuusufna ku jebinayaan, ayaa mar kale warbaahinta uga dhaarteen madaxweynaha hadda Xilka haya.

Madaxweyne Farmaajo ma noqday sidii madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo ma muujiyey isku kalsooni mise wuu gariiray oo cabsi ayaa gashay?

Madaxwene Farmaajo markii uu maqlay dhaartii Sheekh Shariif iyo kooxdiisa isla markiiba ergo ayuu u dirsaday siyaasiyiinta Hawiye si ay u dhex dhaxaadiyaan, ugana daayo waxay dhibsanayaan

Madaxweyne Farmaajo markii uu maqlay dhaarta siyaasiyiinta Hawiye sidoo kale wuxuu dirsaday xaliimo yariisay oo Fiqi isku beel yihiin, si ay uga sheegto warbaahinta in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin Dimoqraadiyadda, ee isaga ay ka helayaan waxay doonayaan

Ugu danbayntii kulankii maanta ee Madaxweyne Farmaaje iyo Siyaasiyiinta Hawiye ay ku sheegeen inay ka wada hadleen doorasho dalka ka dhacda , oo siyaasiyiinta Hawiye ee la kulmay Farmaajo marka laysu geeyo intay Soomaaliya madaxda ka ahaayeen ay gaarayso 8 sano, oo intii ay xilkaas hayeen, aan doorasho ka qabsoomin Soomaaliya dastuurka Soomaaliyana marar badan ay jebiyeen sida in hal gobol iyo nus oo ay maamul goboleed u sameeyaan iyo inay hal maalin ku magcaabaan sadex labaatan degmo oo ay beeshoodu degto iyo madaxweyne Farmaajo oo la cabsi geliyey kama ayna wada hadlin dan Soomaaliyeed, demoqraadiyad iyo doorasho ee waxa laga wada hadlay waa danta Siyasiyiinta Hawiye iyo degaankooda oo ay Muqdisho ka mid tahay oo inta ay hadda hesho in kale loogu sii daro iyo halka ay ku jiro danaha siyaasadeed ee HAG. Farmaajo noqon waa cabdulaahi Yuusufm taageerayaasha Farmaajona yeelan waaye kartida taageerayaashii Cabdulaahi Yuusuf

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*