11th December 2024 admin Category :
Sareeye Gaas aan Sodon gaarin oo doonaya in loo heeso Soomaaliyaa ayaa laga helaa!!!!!!!!!!!!!!!!!. Hadaad sugaysay in dalka alshabaab laga xoreeyo dhalaankii derahjada qaabka khaldan loo la siiyey in loo heesee doonayaan
Munasabad lagu dhiiraglinaya Ciidamada Asluubta iyo booliska islamarkaan lagu walaleenayay Fanaaninta onkood heegan iyo fanaanita kooxaha kale ee ciidmada ayaa lagu qabtay xaruunta gadiiidka ciidanka booliska ee magalada Muqdisho, waxaa ka qeyab galay xaflada Taliyaha Ciidanka Asluubtaa Soomaaliyeed sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” sarakiil ka kala socotay booliska iyo asluubta,
Intii ay socotay munasabadda waxaa halkaasi heeso iskugu jira gubaabo iyo dhiragalin ku soo Bandhigay Fanaaninta onkod iyo heegan.
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed jamac keynan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in hada wixii ka dambeya ay si wada jira uwada shaqeyn doonnaan fanaaiinta iyo bambeyda ciidamada Qalabka sida
“Waxaan mideyn doonnaa fannaaniinta sadexda ciidan, si marka xafladaha ay jiraan ay ugusoo bandhigaan suugaanta gubaabada ahtaasi ayaan dhawaan ka shaqeyn doonaa,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Taliyaasha Ciidamda Asluubta iyo Booliska ayaa dhawaan kormeer iyo u kuurgalid sida ay u socdaan Howlaha amniga lagu sugayo. Ku tagay kontaroolada laga soo galo magaalada iyagoo Ciidankii goobahaasi ku sugnaa ay ku booriyeen inay adkeeyaan shaqadda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan.