26th April 2024  admin  Category :

Dawlada Fadaraalka oo musharax Garowe uga soo dajisay gaari aan xabadu karin

Dawlada Fadaraalka Soomaaliya  ayaa maanta, 01 Nov 2018,  Garowe uga soo dajisay baabuur aan xabadu karim musharax ay Puntland u wadato.

 

Garoonka Gen Maxamed Abshir ee Garowe ayaa waxaa saaka kasoo dagtey Diyaarad nooca xamuulka qaada ah, taas oo sidey gaari nooca aan Xabadu karin ah.

Waxaana saaka laga sugayaa in uu Garowe soo gaaro Musharax Maxamuud Khaliif Xassan Jabiye, kaas oo ah musharaxa ay dawladda Fadaraalku taageerayso.

Horey waxaa Baydhabo usoo gaarey Musharax Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ahaa Wasiirka Tamarta dowladda Faderalka Soomaaliya kaas oo ay taageerayso dawladdu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*