29th March 2024  admin  Category :

Xalintii Geeridii Alle Ha u Naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil oo xal laga gaaray.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2 November 2018 magaaalada Badhan lagu soo gaba gabeeyey xal u helida geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ku geeriyoodey shil ka dhacay meel u dhow magaalada Hadaaftimo
Munaasbada lagu soo gaba gabeenayey xalinta dilka Suldaanka waxaa kasoo qayb galay Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, qaar kamida isimda Dowladda Puntland ee nabadeynta u joogey Degmada Badhan, maamulka Gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan, guddoomiyaha baarlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta Wacyigelinta, hidaha iyo dhanqanka Madaxtooyada Dowladda Puntland Abwaan Cabdirshdiid Yuusuf Jibriil, Guddiga dhismaha wadada Ceel-Daahir Ceerigaabo nabadoono, ganacsato iyo marti sharf kaloo badan.

 

Beesha Aadan Siciid ee uu ka dhashay Alle ha u naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa gabi ahaanba cafis u fidisay shaakhsigii diley Suldaanka Qasaas, Mag iyo Cafis guudba waxaana bayaanka hishiiskaas warbaahinta u akhriyey Suldaan Ciise Maxamed Ciise oo Guddoomiye u ahaa gudigii xalinta dilka.

 

Dhinaca kale isimadii iyo cuqaashii kasoo qayb gashay madasha ee ay hogaaminayeen Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire ayaa dhamaantood ku bogaadiyey beesha aadan siciid go’aamada ay ka qaateen xalinta geerida Alle ha u naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil waxayna ugu baaqeen in wanaagaas looga daydo beeshaas waxayna isimadu ku cel celiyeen in nabada laga shaqeeyo si horumar loo gaaro.

 

Ugu danbeyn, Maxamed Suldan Xasan Cali Jibraahiil ayaa la gudoonsiiyey Cimaamada nabada taas oo uu ku mutaystay go’aankii uu ka qaatay geeridii aabhii iyo sida sharftu ku jrto ee uu arintan usoo geba gebeeyey Isla’markaana waxaa loogu duceeyey madashii in alle ka ajar siiyo wixii wanaagsanaa ee uu qabtay.

 

                            

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*