26th April 2024  admin  Category :

Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa diyaaradda Itoobiya ee ay dowladda Soomaaliya hawadeeda ka celisay

Dowladda federaalka ee Soomaaliya aya hawada dalkeeda maanta ka celisay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ee Ethiopian Airlines.

Sida lagu xusay bayaan ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya baxay diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, nuuceedana uu ahaa Dash 8-Q400 aysan wax rukhsad ah u haysan inay marto hawada Soomaaliya.

Duullimaadkan oo tirsigiisu ahaa ETH8273 ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaaradd ku sii jeeday magaalada Hargeysa islamarkana ay ahayd in ay Ruqsad ka haysato hay’adda dulista ka hor inta aysan hawada soo galin.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay wadday wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa.

Dhanka kale shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa xaqiijisay dhacdadani diyaaradda lagu celiyay.

Maamulaha shirkadda Ethiopian Airlines oo BBC-da la hadlay ayaa xaqiijiyay dhacdadani.

Sida uu sheegay madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesbi Tse diyaaraddii ka soo duushay Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Hargeysa ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato Addis Ababa si ay u caga dhigato, maaddaama la sheegay inaysan fasax ka heysan Soomaaliya.

“Diyaaraddii Hargeysa u socotay way soo noqotay, sababtoo ah markii uu duulista bilaabtay, waxaa jirtay su’aal ah in aanan oggolaansho ka haysan Soomaaliya” ayuu yiri.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Jaantuska duulimaadka

Diyaaradda shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya oo duullimaadkeedu ahaa ET8372 ayaa abaaro 7:30 ka soo kacday magaalada Addis Ababa, balse markii ay soo gaartay magaalad Jigjiga ayay diyaaraddu mar kale dib ugu laabatay magaalada Addis ababa.

Sida ku cad macluumad lagu daabacay bogga lagala socdo duullimaadyada ee Flytradar24, maanta ayaa waxaa Soomaaliya u kicitimay 2 diyaaradood oo ay leedahy shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya.

Macluumaadkan ayaa muujinaya in diyaarad lambarkeedu ahaa ET372 oo si joogta ah uga dagi jirtay magaalada Hargeysa ay ka caga dhigatay garoonka Cigaal.

Maamulaha shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaan wax faahfaahin ah ka bixin diyaaradda ay soo celisay dowlada Soomaliya iyo dadka ay sidday.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daauud Aweys, ayaa BBC u sheegay in diyaaraddii ay la socdeen madaxda sarsare oo dowladda Itoobiya ka tirsan loo diiday inay ka degto Hargeysa.

Xeerarka caalamiga ah ee hawada ayaa dhigaya in duullimaadyadu ay fasax ka helaan dalalka ay sii maraan ama ka soo degayaan sida ay sheegtay hay’adda duulista hawada Soomaaliya.

Muxuu yahay qaanuunka caalamiga ah ee diyaaradaha?

Hay'adda duulimaadyada rayidka

Mabda’a aasaasiga ah ee sharciga hawada caalamiga ah waa in dal kastaa uu u madaxbannaan yahay maamulidda hawadiisa.

Waxay arrintan micnaheedu tahay in diyaarad kasta oo soo galaysa hawada dal madaxbanaan in ay oggolaanshiyo ka haysato dowladda iyo hay’adh dalkaasi ee ay quseyso.

Maxamed Abuukar Nuur oo ah khabiir dhanka duullimaadyada ah ayaa BBC u sheegay in dowlad kasta looga fadhiyo fulinta qawaaniinta lagu heshiiyay.

“Dabcan xiriirka caalamiga ah ee laba waddan ka dhaxeeya ee xagga duullimaadka rayidka waa qeynuun caalami ah oo meela yaalla kaasi oo baneeynaya qaab dhismeed iyo nidaam ay labadaasi dowladood ku wada shaqeeyaan oo ay ku wad macaamilaan,” ayuu yiri Mr Maxamed.

Maxamed oo ka hadlay tallaabadii ay maanta qaadday dowladda soomaaliya ayaa sheegay in haddii ay shirkadda diyaaradda ay ku kacdo wax ka baxsan wixii lagu heshiiyay ay xukuumadda Soomaaliya xaq u leedahay in ay hawadeeda ka celisao.

“Marka qaanuunka la eego diyaaradda mar ay rayid tahay xiriirna uu kala dhaxeeyay, waxa dhaafsiisan waxa lagu heshiiyay, dowladda Soomaaliya awood ayay u leedahay inay xudduudeeda ka ceshato”

Maxamed Abuukar Nuur oo aan wax ka waydiinnay waxa ka dhalan kara haddii ay diyaarad iska dhega tirto amar ka soo baxay dowladda ay hawadeeda isticmaalayso ayaa sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto.

“Dabcan haddii aad adiga sameyso wixii lagu heshiiyay wax ka baxsan aad sameyso, qeynuunka caalamiga ah ayaad ka baxday marka cawaaqibka ka dhalan kara waxay ku xiran tahay qaabka ay dowladda Soomaaliya u wajahdo iyo go’aamada ay ka qaadan karto,” ayuu intaa ku daray.

Maxamed ayaa xusay in marka la eego shuruucda caalamiga ah aysan jirin cid oggolaanshiyo la’aan awood ku mari karta hawada Soomaaliya.

“Dowladda Soomaliya waddankeeda waxaa lagu maraa ogolaanshiyaheeda iyo wada shaqeyn awood cid ku mari karta ma jirto, wax walba oo cawaaqib xumo ah oo ka imaan kara fal kasta oo dowladdaas loogu gafay dowladda ayay u taalla” ayuu yiri.

Somalia
Qoraalka sawirka,Heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa caro ka abuuray Soomaaliya

Maxamed oo ah khabiir dhanka duullimaadyada ah ayaa farta ku fiiqay in haddii diyaarad ay ogolaanshiyo la’aan mel ku marto aysan jabin oo kali ah shuruuc laba dal, balse ay jabisay shuruuc caalami ah.

“Haddii aad adiga ogolaanshiyo la’aan aad meel ku marto wax alle iyo wixii saameyn ah soomaaliya oo kali ah kuma yeelanayso ee waxay saameyn ku yeelanaysaa qawaaniinta caalamiga ah ee ay aduunka u dajiyeen hay’adah duulimaadyada caalamiga ah,” ayuu yiriMr Maxamed.

Tallaabada ay dowladda Soomaaliya ay maanta qaadday ayaa ku soo beegmaysa xilli uu wlai taagan yahay murankii xoogganaa ee ka dhashay heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiskan is af-garad ayay dowladda federaalka ee Soomaaliya ku tilmaamtay mid sharci daro ah oo ku xad gudbaya madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Somaliland, oo hore uu u gumeystay Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991, ayaa leh dhammaan adeegyada uu dla u baahan yahay, waxaana ka mid ah doorashooyin joogto ah, ciidan booliis iyo lacagteeda u gaarka ah.

Balse ma jiro dal ilaa iyo haatan aqoonsaday.

In hawadeeda ay ka celiso diyaarad ay Itoobiya leedahay, Soomaaliya waxay direysaa farriin xooggan oo ah in Somaliland aysan ahayn dal madax bannaan.

Inkastoo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay sii kordheyso, haddana Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa labaduba taageeray sumcadda geyi ee Soomaaliya waxayna dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay dejiyaan xiisadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*