26th July 2024  admin  Category :

MAQAAL HORE ALLSANAAG

Degmada Eyl, ee gobolka Nugaal Soomaaliya ilaa M/weyne ku-xigeenka  Maxkamadda Dambiyadda ee Caalamka

Cabdul Qawi Axmed Yuusuf waa muwaadhin Soomaali ah oo ku dhashay magaalada Eyl ee Bariga Soomaaliya, waa xeeldheer xagga qaanuunka, garyaqaan iyo xaakim caalami ah, waxa uu intii muddo ahba ka tirsanaa maxkamadda dambiyadda Aduunka ee ku taala Heeg (Hague) halkaasi oo maanta looggu doortey xilka labaad ee ugu sareeya maxkamadda.

Maxkamada Adduunka ayaa ah tan ugu sareysa caalamka isla markaana u kala gar-qaada Wadamada isheysta ama khilaafka ka dhaxeeyo, waana garabka garsoorka Qaramada Midoobay.

Garyaqaan Cabdiqawi Yusuf ayaa isugu ahaa horey Qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo kamid noqda Xaakimyada Maxkamada Adduunka oo ka kooban 15 xaakim oo caalamka ka kala yimid, kuwaasi oo xilka haya muddo 9 sano ah.

Waxayna guul u tahay Qaarada Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya in Xaakim Cabdiqawi ku guuleystay doorashadii guddoonka maxkamada Adduunka oo Jimcihii 6dii bishan Feberaayo ka dhacday xarunta Maxkamada Adduunka ee The Hague.

Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maxkamada Adduunka ayaa kusoo beegmaysa xili sanadkii 2014 ee lasoo dhaafay ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u gudbiyeen maxkamada inay go’aan ka gaaarto qeybaha kamid ah Badweynta India, oo ay labada dal isku heystaan.
Maxkamada oo ay horyaalaan dacwado badan ayaa bishan Feberaayo ku mashquulsaneyd dacwada u dhaxeysa dalalka Croatia iyo Serbia oo la xariirta xasuuqii ka dhacay dalalkaasi kadib burburkii dowladii Yugoslavia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*