
14th July 2026 admin Category :
Villa Wardhiigleey oo soo saaratay warmurtiyeed ay jeebkeeda kala soo baxday
Midowga Yurub (EU): Danjire Francesca oo ah madaxa EU ee Soomaaliya, waxay si toos ah u abaartay khilaafka iyo wada-hadalladii fashilmay. Waxay si cad u sheegtay inay shalay la hadashay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, maantana ay dhageysatay aragtida Xasan Sheekh, iyadoo isku dayaysa inay dhex-dhexaad ka noqoto khilaafka oo ay dhinacyada u rajeyso dib u wada hadal.
VILLA SOMALIA: Qoraalka DFS (inta muuqata iyo hab-dhaqankooda caadiga ah) wuxuu xoogga saaray “Xiriirka istiraatiijiga ah ee qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo EU-da”. Villa Somalia waxay isku dayeysaa inay iska indha-tirto khilaafka taagan & fashilka dhacay, kulankana u muujiso mid caadi ah oo ku saabsan iskaashiga dowladdnimo, si loo tuso in nidaamka dowladda dhexe uu si caadi ah u shaqaynayo, iyadoo la xusay in kulanka ka dhacay Villa Somalia, sabab la xariirta dowladda oo iska difaacaysa dooda mucaaradka ee ah waa mudo dhaaf.








