28th March 2024  admin  Category :

Yaa u fududeeyey Raxanweyn iyo Isaaq inay buuraha Cal madow ku dilaan dadkii ay halkaa  ugu tageen?

Maanta in badan oo ka mid ah degaanadii Saldanada Warsangeli ka talin jirtay Qarniyada badan  waxa xoog ku haysta Raxanweyn iyo Isaaq wada socda, iyaga oo sheegta inay ka tirsan yihiin Ururka Alshabaab.

Hadaba Su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay willka Baydhabo, gobolka Bay ka yimid iyo wiilka Beer gobolka Togdheer ka yimid ee  aan aqoonta  u lahayn jidka la maro , ceelka laga cabo , meelaa lagu dhuuman karo ee  dhufays   noqon karta  degaanada Maakhir,  yaa u fududeyey ama u sahlay  inuu soo galo, yaase ku haya maanta Buuraha Barakaysan?

Argagixisada Buuraha Cal madow ku jirtaa in badan oo  ka mid ah  Beesha Warsangeli ayaa u fududeeyey inay soo galaan Maakhir , iyaga ayaa u ahaa dal yaqaan, iyagaana  maanta ku haya  Buuraha CAL Madow, iyaga ayaa cuntada u geeya , iyaga ayaa daweeya markii ay dhaawacmaan , qaarkood iyagaa la xididay oo gabdhahooda siiyey oo damacasan inay halkaa ku sii nagaadaan

Qaadwalaha ka soo jeeda beesha  Warsangeli ee  Badhan iyo Boosaa joogaa, Xamaaliga beeshaas  ee Boosaaso iyo Badhan joogaa, hooyada iyo ardayga nolo maalmeedka la tacaalaya  ee Boosaaso iyo Badhan joogaa, Qurba joogta Beeshaas ee dalalka caalamka kala   joogtaa Xiriir lama laha lamana yeelan karto Urur dimeed  saldhigyo ku leh Daafeed iyo Dararweyne, sidaas awgeed kooxda keenta argagixisada oo ku haysa degaanada Maakhir waa koox tiro yar oo u dhaqma sida Isgeeda saarka ama Jirjiroolaha.

Kooxdani, shaki kuma jiro waxay u badan yihiin kuwa dugsiyada Maakhir gacanta ku haya, kuwa shirkadaha maamula.  Shirkadahan inta badan waxa  laga leeyahay galbeeka iyo Koonfuta Soomaaliya. Kooxdan Shirkadaha gacanta ku haya, haddi ay  guri ka dhisanayaan Maakhir waa kuwo u yeerta asxaabtooda Baydhabo iyo Berbera si ay umadda u marin habaabiyaan iyagana hoosta uga sii  wataan hawlahooda argagixsnimo. Kuuli dhagax ka jebiya Badhan iyo Buraan, lama waayin ee  waa maxay baahida keentay in Baydhabo laga keeno aan ka ahayn falka Isgeeda saarka.

Tusaale:  shirkada Telefoonka ee Birtu uga taagan tahay Buurha Calmadow, ninka ilaaliyaa waa oday d’a ah oo ka soo jeeda beesha Warsangeli oo ku mushahaar qaata. Laakiinse howsha ay wadaTto Shirkaddu   iyo cidda ay u shaqaynaysaa  waa mid dad kale gacanta ku hayaan, oo ka baxsan Maakhir

Shirkadaha telefoonada lacagaha loogu  soo shubo argagixisada  ama Nambarada bixiya ay qoysaskooda kula xiriiraan  waxa laga leeyahay meel ka baxsan Maakhir, ninka wakiilka ka ah waa Warsangeli laakiinse wuxuu la haystaa Daafeed iyo Dararweyne

Hadaba Xalku muxuu noqon karaa.

Soomaali dhowr iyo labaatan sano qabiil ayeey isku dilayeen, Maakhirna qabiil ayaa loogu soo duulay sidaas awgeed waa in la bilaabaa abaabul qabiil oo Raxanweyn iyo Isaaqa  dadka ku laynaya  buuraha CALMADOW Loola dagaalamaa qaab qabiil oo xoog iyo awood sheegasho looga saaraa Calmadow

Warsangeli waa is yaqaanaayaa, waa in nimanka lagu tuhusan yahay inay gacan saar la leeyihiin argixisada, gabdhahooda siiyey,  cuntada u geeya la soo bandhigaa magacyadooda oo meel looga sioo wada jeestaa.

Maakhir dib  u dhac ayeey u tahay in waxbarashaddii iyo Telefoonaddii ay gacanta ku hayaan  dawlad ka madax banaan  banaan reer Maakhir iyo Puntland , halka magaalo kastana ay joogaan madax ka  Mushahaar qaadata Puntland oo aan waxba kama qaban arintan. Dugsiyada Maakhir ma wasaaradda waxbarashada Puntland ayeey hoos tagaan mise Koox ka madax banaan dawladda Puntland oo hesha qaaraan lagu xoojiyo argagixisada

Ma jiro maamula Puntland ah oo ka taliya gobolka Sanaag oo nin Warsangeli ah u soo xiray inuu gacan saar la leeyahay Alshabaab. Halka qaarkood  marka ay Makhir  ka tagaan la qabto iyaga oo falal argagixisnimo gacanta kula jira

Ugu dnbayntii, qofkii og iyo qofkii aan ogaynba  maalinba maalinta ka danbaysa Dadqalatooyinku waa ku sii xoogsanayaan Maakhir, mana muuqato dhaq dhaqaaq looga hortagayo aan ka ahayn maamulka Puntland oo aan  ka haysan wada shaqayn dadkii degaanka u dhashay oo iyagau afarta jiho u kal socda. Si taas  loo bedelona waa in la bilaabaa abaabul looga soorayo buuraha Calmadow Dadqalatooyinka.

 

ALLSANAAG.COM

Yaa soo ababulay xasuuqa Buurta Calmadow?

Raashin iyo rasaas loogu deeqay Alshabaab

Waa been Dadqalatooyin ayaa ka baxay Calmadow

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*