26th April 2024  admin  Category :

Dugsi lagu barto duulimaadka  ayaa markii ugu horeysay kadib dowladii hore ee Siyaad Barre laga furay magaalada Muqdisho.

Dowlada Turkiga ayaa si rasmi ah ugu wareejisay xaruntan lagu baranayo duulista diyaaradaha  Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Mudane Yusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf Jaalle) munaasabada lagu wareejinayayna waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullahi Oomaar iyo ku xigeenadiisa, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda TIKA ee Soomaaliya.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaashada Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa u mahadceliyay dowlada Turkiga hirgelinta dugsigan muhiimka u ah ardayda Soomaaliyeed isagoo ku tilmaamay horumar weyn oo laga gaaray dhinaca hawada.

Waxaa iskuulkaan ka faa’idaysan doono ardayda daneyneysa in ay bartaan duulista ama aviation-ka ayidoo ay diyaar yihiin macalimiin aqoon iyo khibrad u leh duulimaadyada.

Furista iskuulkan lagu barangayo duulimaadyada ayaa waxaa ay ku soo beegantay iyadoo dhowr habeen kahor ay diyaaradii ugu horeysay oo ay saarnaayeen dad rakaab ah muddo 27 sano kadib soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Sawirka Somali Civil Aviation and Meteorology Authority - SCAMA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*