26th July 2024  admin  Category :

Gabadhii Talyaaniga Ee Laga sii Daayey Al-Shabaab Oo Gaartay Roma

Gabar u dhalatay dalka Talyaaniga oo afduub loogu haystay Soomaaliya ayaa saaka ka dhooftay magaalada Muqdishu, iyadoo lagu soo dhoweeyey magaalada Roma.

Gabadhan oo lagu magacaabo Silvia Romano ayaa shalay la sii daayey, waxaana loo soo gacan geliyey ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo kuwo caalami ah oo iskaashanaya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin dhinaca amniga ah.

Gabadhan ayaa waxaa bishii November ee 2018-kii ay dabley ka afduubeen deegaanka Kallifi ee dalka Kenya, waxaana kadib la keenay gudaha Soomaaliya dhulka ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Ilaa hadda ma cadda sida ay ku timid sii daynteeda oo uu Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Guisseppe Conte uu shalay rasmi ahaan ugu shaaciyey bartiisa Twitter-ka.

Dayuurad gaar ah oo Silvia ka qaaday Muqdisho, ayaa ka degtay garoonka Ciampino 2:00pm xilliga Roma, waxaana dadkii soo dhoweeyey ka mid ahaa, ra’iisul wasaare Giuseppe Conte, wasiirka arrimaha dibedda Luigi Di Maio iyo xubno ka mid ah qoyskeeda, iyadoo ku lebisneyd xijaabka haweenka Soomaalida xirtaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*