29th March 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya oo deeq lacageed gaarsiisay Gobolka Gedo

Dowladda Soomaaliya ayaa deeq lacageed oo biyo dhaamin loogu sameynayo dadka ay saameeyeen abaaraha gaarsiisay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Ujeedka wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya  oo ay wehlineysay Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ahaa ka jawaabidda saameynta ee abaaraha ku yeesheen nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka Gedo, waxaana markii ay gaareen magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo si diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweynta kadib waxaa loo galbiyay xarunta maamulka, halkaasi oo ay kulan kula qaateen waxgaradka iyo odoyaasha magaalada, ayaga oo ka dhageystay dhibaatooyinka ay abaaraha u geysteen dadka ku nool deegaannada gobolka Gedo.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socday dowladda Soomaaliya ayaa maamulka Garbahaareey ku wareejiyay lacag dhan boqol kun (100,000) oo dollar sido kale hey’adda Strong together ayaa dhankooda gaarsiiyay boqol kun (100,000) oo dollar, taa oo ay iska soo aruuriyeen qurba joogta Soomaaliyeed , waxaana lacagtaasi biyo dhaamin loogu sameen doonaa dadka degan meelaha fog fog ee abaarta ay saameynta ku yeelatay.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka ay dhibaato xoog leh u geysatay bulshada gobolka Gedo.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda ay gurmadkaan ugu talagashay inay uga jawaaabto baahiyaha dadka abaaraha ay saameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*