26th April 2024  admin  Category :

Dowlada Puntland oo Walaac Ka Muujisay in Lacagtii Lagu Wareejiyey Hargaysa La Siyaasadeeyo.

Gudiga difaaca dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen lacag dhan 1 million oo dollar oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadka duufaantu saamaysay ee kunool Soomaaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xirsi Tima-cadde iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa soo dhoweeyey lacagtaasi in loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan haseyeeshee waxa ay tilmaameen inay habboonayd in loo marsiiyo culimada iyo hayaddaha Khayriga ah si aan loogaga faa’iidaysan arrimo siyaasadeed.

Hadalka Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli deegaamo katirsan gobolka Sool ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo SNM.

https://youtu.be/ovf98fLDszE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*