27th July 2024  admin  Category :

Maamulka Hargeeysa siyaasiyiintooda ayaa beddalay luqadii ay ku hadlayeen bil ka hor. Balse waxeey u muuqataa hadalada Muuse Biixi uu jeedinayo maalmahan kuwo dajin iyo beer laxawsi ah oo la doonayo in lagu damiyo kacdoonka ay wadaan shacabka Puntland. Soomaalida waxeey tiraahdaa, “Hadal waa kii horre” Waxaana dhab ah in cid cid qasbi kartaa aysan jirin, mana jirto qabiil u dawladeen kara qabiil kalle. Hadii xal la rabo qof kasta dhulkiisa ha u tashado, dadkuna ha noqdeen Soomaali, meeshana waa ineey ka baxdaa Soomaaliland iyo dawlad baan ahay.

Sida ay soo saareen Golaha Amniga Qaranka ee ahaa, in midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah ayaa ah mida Soomaali oo dhan ay ku wada gooracantahay.

https://youtu.be/08u01d3ynDg

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*