29th March 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta maamulka Hargeeysa ee gooni goosatka ah ayaa waqti dheer waxa ay ku bixinayeen lacago badan shaqaaleeysiinta dad ajaanib ah si ay uga caawiyaan habka ay ku helli karaan  aqoonsi caalami ah iyo dhabaha loo mari karo.

Hadaba, dadka talada siiya gooni-goosatada waxeey kulla talliyeen in ay wax ku raadiyaan xuduudkii Ingiriiska uu ka tagey 1960kii iyo ineey u dhaqmaan sidii ineey leeyihiin dhulkii Soomaaliland la isku oran jiray oo dhan, iyagoona dadkii kalle ee dhulkaa wax ka deganaana ka soo qaadaya dad aan waxba ku laheen dhulka.

Intaa waxaa dheer, tallooyinka la soo siiyey goonigoosatada waxaa ka mid ah in dadka aan goonigoosatada aheen ay isku adeegsadaan gudahooda, lagu kalla furfuro lacag, iyo in iyaga dhexdooda cadaw la isaga dhigo, taas oo ah midda aan aragno maanta.

Sidoo kalle, dadka la talliya goonigoosatada ee ajnabiga ah waxeey u sheegeen ineey marar badan ku celceliyaan beenta ay dadkooda iyo caalamkaba ay u sheegaan si run loogu qaato, waxaana ka mid ah:

Anagaa aheen dadkii calanka geeyay Soomaaliya, maantana waan la soo noqonay madaxbannaanideenii;

Soomaaliland waa muqadas;

Soomaliland xuduudeeda waa lama taabtaan;

Dhulka ma guuree dadkaa guura;

Wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland;

Ergiga Soomaaliya iyo Soomaaliland;

Soomaaliland waa dal madaxbanaan oo baasaboorkiisa iyo lacagtiisaba leh;

Qabuurayaasha meel kasta ku yaal waa dadkii Soomaaliya ay naga xasuuqday;

Soomaaliland wixii dal lagu yaqaanay oo dhan weey  soo buuxisay;

Dadka Soomaaliland deggan oo dhan ayaa 98% goostay ineey goostaan;

Hadaladaas iyo kuwo kalle oo badan waa hadalada maalin kasta ay idaacadaha la taagan yihiin gooni goosatada oo ah dhamaantood kuwo aan ka tarjumeen diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Hadaba, miyaan la gaarin waqtigii la soo af jari lahaa goonigoosatada fakradahooda qaldan?

Muuqaalada Hoose waa doodo loo qabtay hada ka hor shaqsiyaad gooni goosatada ka mid ah, waxaadna arkeeysaa in meeshu ay tahay meel hal reer ku sheekeesanaya.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*