26th July 2024  admin  Category :

Madaxweeynihii Horre ee DF Xasan Shiikh iyo taageerayaasheesii ayaa waxeey billaabeen dagaalka afka, iyagoo sheegaya ineey heeystaan tirro dhan 196 xildhibaan oo taageersan iyo kuwa kalle oo badan oo iyagana maqan.

Dagaalka afka ee xanbaarsan xayeeysiiska beenta ah ayaa ujeedadiisa ugu weeyn waxeey tahay sidii loo abuuri lahaa tashwiish la doonayo in lagu abuuro musharixiinta kalle ee u sharaxan xilka madaxweeynaha.

Waxaase dhab ah in fashilkii ku dhacay Faarax Ca/qaadir iyo Xidig ay aheed mid tusineeysa taag darrida heeysata xullifada Xasan Sheekh oo markan u muuqada kuwa maciin biday ineey adeegsadaan dagaalka afka iyo xayeeysiisyo been ah.

Cashadan uu soo qaban qaabiyey Xasan Shiikh oo si borobogaandeesan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeeyb gallay tirro aan ka badneen lixdameeyo  xildhibaan oo ka kall tirsan labada aqal, haddii aysan kaba yareen, waxaana lagu dhex daray  dad kalle oo badan oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyo asxaabta xaafadda taas oo dadka loo tusay in Xasan Shiikh uu taageero fiican heeysto.

Dhoola tusyada beenta ah ayaa inta badan waxaa adeegsada marka ciidan aad u yar ay kulla jiraan  dagaal ciidan ka awood badan; tusaale, meeshii boqol ciidan joogtay ayaa laga dhigayaa ineey shan boqol joogto, meesha ay ka heestaan tobban gaadiid dagaalna in loo tusso in ciidankaas ay heeystaan afartameeyo, marka ujeedka waa cabsi ku abuurid la doonayo in lagu sameeyo ciidankaas ka xoog badan.

Arrinta Xasan Shiikh iyo xullifadoodana waa mid cabsi gellin iyo dhoola tus been ah ku saabsan. Si kastaba ha ahaatee, musharixiinta kalle ee u tartameeysa xilka madaxweeynaha waa ineeysan dhag u dhigin faanka iyo beenta ay aqrinayaan Xasan Shiikh iyo xullufadiisa, waana in la soo gabagabeeyaa riwaayadooda bisha Feberaayo 8, 2017.

https://youtu.be/3q6zSXHhBsg

https://youtu.be/jy__sIjB_Q4

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*