29th April 2024  admin  Category :

Dilka hadal haynta ka dhaliyey Sweden ee wiilkan Soomaaliga ah loogu xiray, loona maxkamadaynayo

Soomaalida dalka Sweden ayaa aad u hadal hayey dhacdo la xiriirta wiil Soomaaliyeed oo xaaskiisa oo uur lahayd ku dilay magaalada Örebro oo 100 mayl galbeed ka xigta caasimadda Stockholm.

Nin Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamed-Amiin Cabdirisaaq Ibraahim oo 22 jir ah ayey booliska ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa oo lahayd uur todoba bilood ah.

Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay dhacday sannadkii hore, bishii April, waxaase iminka soo cusboonaysiiyey ka dib markii kiiskiisa ay boolisku maxkamad u gudbiyeen.

Boolisku waxay kiiskan ka soo saareen warbixin 1,000 bog ka kooban oo masawirro ay la socdaan.

Xaaska oo ah 20 jir la yiraahdo Saga Forsgren Elneborg, ayna ninkaas wada socdeen qiyaastii muddo labo sano ah ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda, wax lagu tilmaamay “dil sharafeed” sida ay warbaahinta dalkaas sheegayso.

Elizabeth Anderson oo ah dacwad oogaha muddiciga ku ah Maxamed Amiin waxay ku doodday in uu xaaskiisa dilay ka dib markii uu “ceejiyey”, ayadoo ilmihii uurka ay ku siddayna uu geeriyooday.

Uur 7 bilood ah ayey lahayd

“Waxaan ula jeedaa in dilka ay ku dhex jirtay arrin sharaf la xiriirta, waayo ninku wuxuu doonayey inu ilaaliyo sharaftiisa iyo tan qoyskiisa, wuxuuna dilay haweeneyda iyo ilmihii ay sidday” ayey tiri dacwad oogaha.

“Si xoog leh ayuu ugu sirqiyey waayirka nalka sariirta dhinaceeda la dhigo” ayey tiri dacwad oogaha oo uu soo xigtay wargayska Afton Bladet.

Waxaa la soo bandhigay farriimo ay is dhaafsadeen oo farriinta ugu dambaysay ay ahayd “ila hadal”. Isla habeenkaas ay farriimaha is dhaafsadeen ayaa meydkeeda la helay.

Farriimaha waxaa sida ay warbaahinta sheegayso ku jiray inuu u soo jeediyey gabadha in ay ilmaha iska soo riddo.

Qoyska ninka eedeysanaha ah ayey dacwad soo ooguhu sheegtay in aan lagu helin caddayn muujinaysa inuu la socodsiiyey in gabar ay uur u leedahay, taasoo doonaysay in todobaad ka dib ay u soo guurto.

Ninka la tuhunsan yahay marnaba arrinta Saga ama ilmaha uurka ku jira uma uusan sheegin qoyskiisa, waxaana lagu soo koriyey si sharaf waafaqsan, wuxuuna ogaaday in aysan arrintan isaga u fiicnayn” ayey sii raacisay.

Gabadha geeriyootay hooyadeed ayaa iyadana mid ka mid ah wargaysyada Sweden ka soo baxa u sheegtay in ay “aad u faraxsanayd gabadheeda oo ay ku talo jirtay in ay guri cusub u guurto, nolol cusub oo hooyonimana billowdo. Tani waxay ahayd arrinkii ugu darnaa” ayey tiri.

Maxamed Amiin oo hadda ku eedeysan dilka gabadha oo kaliya waxaa maxkamadiisa oo laba todobaad soconaysa ay bilaaban doontaa 10ka bishan, wuxuuna diiday inuu wax khalad ah sameeyey.

Waxaan isku d aynay in aan la xiriirno madaxda jaaliyadda iyo qoyska Maxamed Amiin, laakinse nooma suurto-galin in aan faahfaahin dhankooda ka helno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*