4th December 2021  admin  Category :

Dhibbane Mooge Qaybtii 2 aad

Xasuuqii Jalalaqsi
Walaal haddii aan kuu sii wado sheekada, markii ay 4 bilood ka soo wareegtay imaanshahaygii Jalalaqsi ayaa nalagu soo duulay.
Intii aan duullaanka nalagu soo qaadin waxaa muddo dhowr bilood ah nalagu sameeyay cuna qabatayn oo wax gaadiid ah noo Imaan jiray ama naga tagi jiray ma aysan jirin. Waxaa nalagu xidhay dhammaan jidadkii soo galeyay Jalalaqsi. Xitaa waxaa isu gudbi waayay oo la kala gooyay labadii xero qaxooti oo labada dhinac kaga yaallay Jalalaqsi. Waxaa gabaabsi noqday raashinkii, dawo iyada warkeedaba iska daayee.
Amin aroortii ah ayaa waxaa nalagu soo qaaday duullaan kii Jaaboole oo kale ah. Laakiin markaan waannu yara hubaysanahay oo waxaannu digniin ka qaadanay dagaalkii Jaaboole. Markaan ku leeyahay waannu hubaysanahay Waxan ka wadaa waxaannu haysannaa xoogga qoryo fudud ah iyo xoogga rasaas ah. Mana dhame wax hal saac lagu dagaal geli karo. Marka loo barbar dhigo USC Hubei ay wadatayna waxaa la odhan karaa waxba ma aannaan haysan.
Duullaankaas gardarra ahaa ee masaakiinta maatida ah lagu soo qaaday, waxaa lagu galay danbi kii ugu waynaa oo shacabkii waa la xasuuqay. Waliba mid aad u fool xun. Aniga waxaa igaga dhintay hal wiil. Iyo xaaskiisa oo inta wiil dhashay ku umul raacday. Waxay ii ahayd farxad iyo naxdin wiil ii dhashay iyo wiil iyo hooyadiis iga dhintay. Xaaska waxay u dhimatay dhiig baxa oo wax daawo ah maanan haysan, cuntana haba sheegin oo waxaa jidadkii naga gooyay ciidankii nagu soo duulay.
Waxaan dagaal is difaacid ah ku jirnay hal isbuuc. Laakiin maalmihii ugu horreeyayba waa nalagu adkaaday. Waxaa dadkii loo laayay si adhi maalin Carrafo ah lagu ciidayo. Waxaa lagu dilay Buntuq, baangad, toorri, faasas iyo wixii la heli karo, dadka qaarkiis waxaa lagu gubay nolosha. Qaarkoodna waxaa lagu guray wabiga, meesha qaar kalana ay iyagu naftii kula carareen wabiga iyagoon dabaal aqoon
Markii ay hal isbuuc ka soo wareegtay duullaankii iyo xasuuqii Ayaan soo helay baabuur Toyota ah oo si dhuumaalaysi ah ku soo baxaysay. Waxaan iska dhigay dadka degaanka ah. Waxaan wataa 2 carruur ah, oo uu midkoodna jiro dhowr bilood. Waxaan ka soo wareegnay waddo marta gobolka bakool oo xagga qorrax dhaca ka xigta Jalalaqsi. Deedna waxaan 4 habeyn dabadood imaanay xeradii qaxootiga ee Luuq Jeeloow. Halkaa soo ay joogeen hooyadeey iyo walaalahay aan isku hooyaday ahayn. Waxaa kaloo jooga badi dadkii aannu isku degaanka Qorraxeey wada ahayn.
Waxba yaanan hadlka kugu daalinee. Waxaan soo galay Luuq Jeeloow oo iyadana go’doon ku jira oo ay ciidan USC ah ku hareeraysan yihiin. Reer Luuq Jeeloow iyagu aad bay u abaabulanyihiin. Waxaana ay ergo u dirsadeen madaxdii USC da ee Beledwayne joogtay. Waxaa ciidankaas watay nin aannu dhalnay oo waliba ku dhashay gobolka Qorraxeey gaar ahaan degmada Shilaabo. Waxaa ninkaas la odhan jiray Faarax Gubadleey. Wuxuu ahaa gaashaanka sare oo xoogga dalka Soomaaliyeed ah.
Waxaa kaloo ciidankaas horin ka mid ag madax ka ahaa Cali gii ay habaryartay dhashay ee isaga iyo aabihiis iyo awoowgiisba ahaa reer Qorraxeey, laakiin qabiil ahaan ka soo jeeday qabiilka dega Beledwayne . Cali wuxuu qortay ciidanka markii ana anigu macalimka noqday. Wuxuuna ka soo baxay kulliyadii Jaalle Siyaad ee ciidanka. Laakiin dadkii loo soo taba baray inuu difaaci ayuu ku soo duulay oo gumaad ku hayaa.

Labadaas nin ee aannu labadoodaba dhalnay kana yimid degaan ahaa gobolka Qorraxeey waxay ahaayeen raggii ugu darnaa ee faraha la galay dhiiggii masaakiinta dulamane yaasha ahaa ee intay ka soo carareen gimaadkii Mingiste ee iyaga soo magan galay,
Waxaa waxaas oo dhan kaaga daran ninkii ay qabtaan ee ay xigto u gartaan horay ayay ka dili jireen.

Odayaashii reer Luuq Jeeloow waxay is tusen in ay ergo u diraan nimankana ciidanka USC da wata ee reer abtiga loo yahay. Bal si ay kal dabacda uga helaan, oo ay intay beer nugaylaystaan in ay bixiyaan ka soo helaan. Waanse ka xumahay oo malahaas wuxuu noqoday mid ay ku qasaareen. Waana lagu khiyaanay arrintaas.
Wuxuu Faarax Gubadleey odayaashii ku yiri, hubkq iska soo wareejiyaan oo aniga ayaa idin bixinayaa. Sababtoo ah waxaad tihiin “Bah Xawaadle” oo annaga idin dhalnay. Anigana waad i dhasheen. Marka aad hubkq ii dhiibraanna waxaan idiin gudbinayaa xudduudda Itoobiya iyo Soomaaliya idinka oo nabad ah.
Waan ka xumahay mar kale oo odayaashii run bay moodeen hadalkiisii oo sidii bay yeeleen.

Odayaashii waxay ku soo noqdeen reer Luuq Jeeloow waxayna u sheegeen ballan qaadkii uu soo siiyay Faarax Gubadleey. Deedna iyagoo guuraya ayay soo baxeen. Wixii hub ah ay wateenna waxay ku wareejiyeen ciidankii qabiilka USC da ee ay Faarax Gubadleey iyo Cali wateen.
Haddaba maxaa dhacay?!. Waxaa dhacay xasuuqii ugu xumaa ee taariikhda soomaalida soo maray ugu badnaa. Waxaa maatidii gaajada, nafaqo darrada. Daryeel xumada iyo cabsiduba haysay lagu soo uruuriyay meel bannaa. Deedna iyadoo aan loo kala aabo yeellin ayaa lagu furay rasaas.

Waxaa dadkii loo laayay si adhi maalin Carrafo ah lagu ciidayo. Waxaa lagu dilay Buntuq, baangad, toorri, faasas iyo wixii la heli karo, dadka qaarkiis waxaa lagu gubay nolosha. Qaarkoodna waxaa lagu guray wabiga, meesha qaar kalana ay iyagu naftii kula carareen wabiga iyagoon dabaal aqoon. Dadkii maqlintaas ku dhintay wax la soo koobi karo maahan oo waxay kor u dhaafeen kumaan qof oo carruur, cirroole iyo dumar iyo ragg ba isugu jira.
Waxaa dadka ugu daranaa labadii nin ee annu annagu dhalnay. Waliba ninkii Cali ahaa ee ay habaryartay dhashay ee aannu isku degaanka ku wada dhalanay.

Walaal waxba yaanan hadalka kugu daalin ee waxaa aniga meeshaas iiga dhimatay labadii carruurta ahayd iyo 4 walaalahay ah. Waxaa kaloo ku dhaawacmay hooyaday. Oo iyadana u dhiman doonta dhaawacaas muddo lix bilood ah kadib.
Maalintaas iyo meeshaas waxay dadkaygu u bixiyeen “Ban ballaayo”.

Hadda ogoow anigu waxaan ahaa qoysaskii uu ka soo gaadhay dhibkii ugu yaraa, oo waxaa jira reero dhan oo uusan hal qofna ka soo badbaadin.
Waxba yaanan hadalka kugu badinee, waxaan ka soo baxay Ban balaayo aniga oo wada hooyaday oo dhaawac ah, walaaloo iyo wax carruur ah oo ii noolna aysan jirin. Waxaan ku soo dhacay wabiga oo intaan hooyaday la soo dabaashay dhanka kale uga sii baxay. Deedna waxaan saaray gaari dameer ay qolyo wateen. Waxaannu soconaba waxaannu hal isbuuc ka dib gaadhnay xuduuddii Itoobiya. Halkaas ayayna nooga hartay, cabsidii aannu ka qabtay USC da. Laakiin waxaan wali naga harin saskii iyo naxdintii iyo cumurugadii iyo waliba ciilkii iyo caloolyoowgii.

Muddo bil kadib ah waxaa dhimatay hooyadeey oo u dhimatay dhaawacii ka so gaaray Ban balaayo. Haddiiba ay ka bogsoon lahayd dhaawaca jiidhka ah waxaysan kaba bogsooteen dhaawaca nafsadda. Maalmihii ugu danbeeyana waxayba gabtay hadalkii oo waxaa jabtay muraayaddii qalbiga.

Wad waa loo dhashay ee waxaa xannuun iyo laxow ahaa dilka iyo gimaadka uu kuu geeysto kii dadka kuugu xigay ee ku bixin lahaa. Waa kii jiidhkaaga ahaa ee isku dhigga ahaydeen. Waliba adigoo maati ah oo aan tabar iyo xeel toona lahayn, Rabbi ka sokoowna ay naftaadu gacantiisa ku jirto.

Si kastaa wax u ha u dheceen. Wixii dhacay wax aannu ku qaadanay ma aysan jirin. Waxaan ka wadaa markii aannu Itoobiya imaanay, dhowr bilood kadib waxaa la riday Mingiste, waxaana taladiii la wareegay Jabhadihii la dagaalay ee ay ugu horreeysay EPRDF. Waxaana madax u ahaa Meleze Sanawi. Dhulka aan degno waxaa isna ugu awood doonaa Onlf.

Markiiba waxaa la dhisay maamul ku meel gaar ah. Waxaana la sameeyay dastuur sheegaya in qoowmiyad kastoo Itoobiya ka mid ah xaq u leedahay in ay is maamusho oo haddii ay dadkeeduna u codeeyaan ka go’i karto itoobiyaanka kale. Waxaa la dhisay Kilililo waxaana annaga magaalo madax noo noqotay magaalada Godeey.
Baarlamaankii kililka 5 aad waxaa kuraastii ugu badnayd helay jabhaddii Onlf.

Waxaana madaxwayne loo doortay mudane Cabdullaahi Maxamed Sacdi. Laakiin waxaa Ayaan darro nooray dowladii Sacdi waxay ka shaqayn waysay isla Jahaddii uu isagu wax ka aasaasay ee Onlf. Khilaafkiina wuxuu ku dhammaaday in aannu wayno magaalo madaxdii oo loo raro magaalada Jigjiga. Waliba meeshii waddanka la dhisi lahaa waxaan ka bixi waynay is qab qabsi. Mana jirin wax siyaasad ah oo loo dejiyay dadkii qaxa ku soo noqday ee ay jabhaddii USC du ku gumaaday gobolka Hiiraan.

Waxaa waxaas oo dhanba kaba sii daran, markii ay Soomaaliya iyadiiba burburtay oo uu Gen. Caydid qabsaday gobolka Hiiraan. Waxaa dhanka. Itoobiya usoo qaxay dad badan oo reer Hiiraan ahaa, oo ay ku jireen kuwii shacabka ku gumaaday Hiiraan. Waxaana ka mid ahaa ninkii. Cali ahaa ee ay habaryartay dhashay. Kaligis muusan ahayne ee wuxuu la socday hooyadiis iyo aabihiis iyo dhammaan carruurtii la dhalatay iyo xaas iyo carruur uu dhalay isagu.
Ninkii Cali ahaa ee wixii la ogaa sameeyay wuxuu soo degay magaalada Qabridahar oo wali si fiican loogu soo dhoweeyay. Wuxuu markiiba ka degay guryo ugu yaalllay magaalada. Wuxuuna baadiyahana ugu tagay geel iyo xoolo ay reerkooda ku lahayeen.

Waxay noqotay arrin aan aad ula yaabo in uu. Cali sidaass sahalka ah ku yimaado Magaalada Qabridahar. Anigu waxba Kama qaban karin, mana rabin in aan dhiig islaam galo ee waxaan ka filaayay jabhaddii onlf ee xukunka haysay inay la xisaabtanto dadkii xasuuqa shacabka ka qayb qaatay ama kaalinta wayn ku lahaa.
Si kastaana wax ha u dhaceebee cid lala xisaabtamay ama maxkamad loo soo tagay ka aysan jirin.

Anigu waxaan isku dayay in an shaqo u raadsado xukuumaddii cusbayd ee onlf hoggaaninayeen. Nasiib darrose waan ku hungoobay oo waxaa shardi laygaga dhigay in aan wax shaqo ah lasiinayn qofkii aan xubin ka ahayn jabhadda onlf. Taasba way igu adkaatay. Laakiin ugu danbayntii waxaa isku qoray in aan xubin noqdo. Sababtoo ah waxaan u baahnaa shaqo, si aan mustaqbalkayga u sii dhisto.
Markii aan shaqadii helay ee aan muddo sannad ah shaqaynayay ayaa shaqadii la iiga ceydhiyay qaab qabiil. Waxaana booskaygii lagu baddalay nin aan dugsi hoose dhexe xitaa ka soo bixin, iskana daa dugsi sare ee.

Markay taas i qabsatay Ayaan u dhaqaaqay in aan ganacsi iska gali oo dhowr neef oo lo’ ah oo ka hadlay xoolihii aabahay ayaan iibsaday. Deedna waxaan safar u aaday magaalada Hqrgaysa. Waxaana geeyay dhowr iyo konton neef oo ah adhi har ah. Maxaad iga qabsaday?!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*