26th July 2024  admin  Category :

Said Mohamed Ali oo Noqday Ardaygii ugu sareeyay Imtixaankii Puntland qaaday ee waxbarashada Heerka Labaad, oo ahayd Deeq waxbarasho oo Puntland ka heshay Dowlada Ethiopia.

Said Mohamed Ali wuxuu ahaa Maamulihii Dugsiga Sare ee Degmada Xingalool-Sanaag.

Khabiir Jaamac Fayte, ayaa  sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay Said Mohamed Cali, wuxuuna intaa sii raaciyey in tani ka turjumayso in  dadku Aqoon ku tartamaan “oo wiilka Buuhoodle jooga & kan Caluula ay Saami fiican oo Aqoon ku yimi ku helaan deeqahah Waxbarasho.

Sawirka Jama Feyte.

Madaxweyne Faroole sida uu u qaybin jiray deeqaha waxbarasho

Garoowe, Deeqdii Waxbarasho ee la siiyay PL ayaa la Musuq Maasuqay Maanta waxana Sad Bursi xoogan la siiyay Gobolada Qaarkood sida Gobolka Madaxwayne Faroole ka soo Jeedo ee Nugaal kaasi oo Imtixaanka qaarkiis Maanta lagu qaadayay.

Arday ka mid ah Ardaydii Sanaag oo Imtixaankaasi u Hanqal taagaysa ayaa Waraysi uu na siiyay isaga oo Garoowe Jooga ku sheegay in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka Labaad ee igu balaadhan Gobolada Dalka Somaliya Deeqdaasi laga siiyay Hal Arday oo Kaliya taasi oo ah wax aad looga Naxo.

Imtixaanka ayaa Guud ahaan waxa u Fadhiistay 4000, oo Arday kuwaasi oo Kal kala Yimi Gobolada Dalka Somaliya.

Imtixaankii ka dib ayaa Waxa la shaaciyay Natiijo aad looga Yaabay Guud ahaan dadkii Isha ku Hayay Deeqdaasi Dowlada Turkigu bixisay.

Wasiirka Waxbarashada PL Dr Juxa oo ka soo Jeeda Gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in 133- Arday ay ka soo Baxeen Ardaydii Imtixaanka Deeqda u Fadhiistay Sidan Hoos ku Qorana loo kala Helay.

1- Nugaal Gobolka Madaxwayne Faroole 68- Arday buu Helay

2- G.Mudug 53

3-Gobolka Bari oo ah Gobol aad u baaxad wayn Marka loo eego Nugaal iyo Gobolada Kale Waxa la Siiyay 5-Arday

4-Gobolka Sanaag Wax la siiyay 1-Arday

5- Gobolka Kar-kaar Waxa la Siiyay 3-Arday

6- Gobolka Cayn oo lagu Ladhay Sool 3-

Fadeexadaasi ayaa ah Mid aan Qarsoonayn waxana loo Malaynayaa in Wasiirka Waxbarashada oo ay Madaxwayne Faroole Isku Qoys Hoose yihiin ay isla Ogyihiin Masiibada qaran ee ay Maanta ka sameeyeen Gudaha Maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*