15th August 2022  admin  Category :

Ma ogi in aad horay ula socotay waxaan ahay agoon aabahayna waxaa duleedka Qabridahar ay ciidamadii. Mingiste ku dileen sannadkii 1974 kii. Saddex sano kadibna waxaa laygu xiray oo la igu jiidh dilay xero ciidan oo ku taallay magaalada Qabridahar. Wax danbi ah oo aan galay ma jirin ee ciidamii Mingiste ee naxariisto darrnaa ayuun baa anigoo geel la jooga isoo qabsaday.
Waxaan ahaa madi, aabahayna wuxuu ahaa madi. Anigoo sidii u xidhan ayay ciidamadii Soomaaliya soo galeen. Halkaa Ayaan uga mid noqday maxaabiiskii xabsiga laga sii daayay.
Soomaalidii waa laga adkaaday, kadib markii ay midoowaga soofiyeeti u soo hiiliyeen Mingiste. Deedna waxaan soo galay xeryaha qaxootiga ee gobolka hiiraan ee jamhuuriyadda Soomaaliya, kadib dagaalkii 1977 kii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Markaan soo qaxay waxaannu soo wada qaxnay habaryartay oo uu qabay nin u dhashay qabiilka kale oo aan ahayn kaan anigu ahaa, waxayna degaan ahaan ka soo jeedaan qabiilada dega labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan, laakiin degaankiisu wuxuu ahaa Itoobiya oo geeloodu iyo kaannagu isku meel ayay daadi jireen.
Halkaas waxaa markiiba isku beddelay aqoonsigii annaga iyo kii carruurta habaryartay. Markiiba habaryartay iyo carruurteedii waxay ku biireen dadkii degaanka oo waxay noqdeen dad degaankoodii yimid hooyaday oo carruur shan ah wadata oo aan anigu ugu waynahay iyo adeerkay oo dumaalay aabahay ka dibna waxaan soo galnay xeryihii qaxootiga.
Waxaan degnay meel bannaan oo wabi u dhow waxaana odhan jiray “Luuq Jeeloow”. Waxayna magaalada Beledwayne u jirtaa qiyaastii 37 km. Waxaa naloo dhisay teendhooyin, waxaana si fiican oo walaaltinimo ah noo soo dhoweeyay jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu markaas madaxwayne ka ahaa Major.Gen. Maxamed Siyaad.
Halkaas waxaan ka galay dugsi Qur’aanka iyo dugsi kalaba. Waxaana ii billaabatay nolol cusub. Waxaa layga baddalay magacii iyo martabadii aan ku lagaa bulshadii aan ka dhashay ee reer Qorraxeey. Waxayna ahayd markii ugu horreeysay ee aan laygu yeedhin reer hebel ama reer ceelxaar ama reer Dalaad ama reer Maraacaato ama reer Galadiid amaseba reer Qorraxeey. Waxay ahayd markii iigu horreeysay ee la iigu yeedhay “Qaxooti”. Wuxuuna igu noqday nabar ana dawo lahayn.
Magacaas wuxuu igu noqday boog. Wuxuuna ii sheegi jiray in aanan lahayn degaanka aan ku soo qaxay ee ana ahay qaxooti ka soo qaxay dalkiisii iyo dadkiisii. Waxaan mar kastaa ku fekiri jiray sideen mar uun uga baxsadaa magacan qaxootiga ah ee iguma dhagay.
Waxaanse mararka qaarkood isku dejin jiray in aysan dadkan aqoon ii lahayn, oo aysan garanayn wax aan gudo iyo waxa aan gooyo. In aysan aqoon qaabka iyo isla waynanka aan hiddaha u leeyahay. Waxaysan ogayn in aan ka soo jeedo ragg caan ku ah suugaanta iyo magaca soomaali oo idil. Waxaan i odhan jiray haddii ay aqoon kuu lahaan lahaayeen “Qaxooti kuuguma aysan yeedheena.
Waan ka xumahay in aan sidaas u fikiray. Oo wuxuu malahaygii xumaaday, maalin aan u tagay habaryartay oo sidaan kuu soo sheegay degganayd magaalada Beledwayne. Deedna waxaan kubbad u raacay Cali oo ay habaryartay dhashay. Deedna carruurtii uu la dheelayay ee ay isku xaafadaha ahaayeen ayaa i waydiiyay oo ku yiri:-
– Caliyoow yarkaan, yaa waaye, oo maxaa isu tihiin?
– Waxaa dhashay habaryartay oo waa qaxooti.
Aniga waxaa mar qura isoo go’ay jab wadnaha ka mid ah. Bal hadda ogoow magacayga ma uusan sheegin. Mana uusan odhan
” Waa walaalkay Dhaqane oo wuxuu ka yimid xeryaha qaxootiga”
Laakiin wuxuu yiri “Waxaa dhashay habaryartay oo waa qaxooti”
Anigoo yaaban oo naxsan ayaan iska ciyaaray kubbad aanan qalbi u hayn. Waxaan aad ula yaabay ninkii habaryartay ay dhashay ee aannu isku degaanka ahayn ee aannu isku marka soo wada qaxnay ee waliba aannu Hiiraan halka mar soo wada galnay, in uu maanta magacygii ka door bido,” Waxaa dhalay habaryartay oo waa qaxooti”. Deedna gabalkiiba iguma dhicin magaaladii oo waxaan ku soo noqday xeradaydii qaxootiga. Anigoo aad u calool xun, oo waliba kohanaya dagaalkii iyo dhibkii iga soo qaxiyay dadkaygii iyo dalkaygiiba.
Waxba yaanan hadal kugu daalin ee waxaan muddo deganaado Luuq Jeeloow waxaan dhammaystay wax barashadii oo waxaan shaqo ka helay macalinnimo. Waxaana la ii baddalay xero qaxooti oo ku taalla meel u dhow magaalada Buuloburde. Waxaana la odhan jiray Jaaboole. Waxaan ku guursaday halkaas gabadh ka soo jeedda degaanka Buuloburde, waxaana iigu dhashay carruur badan oo 4 ah.
Muddadii aan degganaa Jaaboole wax dhib ah kuma qabin. Waxaana ku noolaa farxad. Laakiin waxay farxaddii soo idlaatay markii xeradaydii qaxootiga ee Jaaboole nalagu soo weeraray sannadkii 1990 kii horraantiisi annaga oo aan wax hub ah haysan oo shacab dhago wayn ah.
Waxaa nalagu dhigay xasuuqii ugu xumaa oo soo mara ummadda Soomaaliyeed. Waxaa nalagu guray wabiga. Lamabana kala Saarinen ruux wayn iyo ruux yar. Nin iyo naag. Wax loo turay oo xabbadda laga daayay ma jirin.
Anigu waxaan ahaa qoysaskii ugu ayaana badnaa oo waxaa igaga dhintay 2 carruurtayda ah aniga waxaa isoo gaadhay dhaawac. Markaan ku leeyahay ugu ayaanka badnaa waxaa jira qoysas aysan waxba ka soo harin oo iyagoo nool carartii wabiga ku daatay.
Bal ogoow waxa na laayay waxaa watay seedigay waxayna ahaayeen ciidamadii jabhadda USC oo markaas sheeganaysay inay dowladii Maxamed Siyaad la dagaalanaysay. Laakiin aan ka xishoon inay shacabka masaakiinya ah gumaadaan. Waliba shacab qaxooti ah oo ka soo cararay cadowgii naxariisto darnaa ee Mingiste Xayle Maryam. Waxaa shacab walaalahood ah qabiil kale haba noqdaanee.
Waxba yaanan murugta iyo ciilka kugu sii badin ee waxaan Jaaboole ka soo qaxay anigoo ay iga dhinteen labo carruurtayda ka mid ah anigana uu dhaawac i soo gaadhay. Waxaana noo soo gurnaday duqii sodogay ahaa. Wuxuuna baabuur noo saaray xaggaas iyo Jalalaqsi. Oo ay ku yaalleen labo xero oo qaxooti ah, si aan bal dadkaas aannu isku reerka nahay u dhex galo. Markaas Jalalaqsi wax dagaal ah Kama socdo mana filayaan.
Anigu waxaan rabay xaggaas iyo Luuq Jeeloow in aan aado laakiin waxay ii sheegeen in waddaadas ay u xirantahay jabhaddii USC da oo aan si sahal ah lagu tagi karin.

La soco qaybta xigta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*