28th March 2024  admin  Category :

Dhalinyarada deegaanka Tuli Guuleed ayaa isusoobax ay kaga bannaanbaxayaan xasuuqa ciidamada kililka Canfartu ay ku hayaan shacabka gobolka Sitti ku qabtay degmada Tuli Guuleed. Ciidamada deegaanka Canfarta oo kaashanaya Liyuu Booliska isla gobolka ay dagaal dhimasho iyo dhaawac gaystay maalmihii la soo dhaafay ku hayey deegaanka Garbociise. Dagaalka oo markii hore ka biloowday aagga magaalada Garbociise ayaa markii danbena ku sii fiday Cundhufo illaa Cadayti.

Dhanka deegaanka iyo degmooyinka Tuli Guuleed ayaa iyana labadii sano ee la soo dhaafay waxaa weerar joogto ah ku hayey maleeshiyaadka Oramada, waxa ayna shacabku ka qaxeen deegaan badan oo ku xeeran degmada Tuli Guuleed.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*