26th April 2024  admin  Category :

Dhagayso Waare “ Wixii Madaxweyne Deni ka sheegay Farmaajo waa sax, Anaguna waan ogayn”

Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare oo Waraysi bixiyay ayaa ka digay Khilaafka ka dhex Aloosan Madaxda Soomaaliya inuu sababi karo Dalka oo dib u laabta.

Waare wuxuu sheegey in ay sax ahayd oo ay jiraan dhamaan waxayaabihii uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka sheegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna hadalkiisa raaciyey in Saciid Deni uu iyaga si gaara xitaa ugu sheegay.

Madaxweyne Deni ayaa khudbad uu ka jeediyey Garowe sanadkii hore wuxuu banaanka soo dhigay waxyaabo dhowra oo isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay kawada hadleen ama dhexmaray.

Hoos ka dhagayso Waare oo ku raacay Deni in Dhamaan waxyaabahaas Deni sheegay ay yihiin wax sax ah

https://youtu.be/aNGBaZC6fak

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*