26th July 2024  admin  Category :

Beelaha Jareer weyne iyo Digil iyo Mirifle iyagu Soomaali ma aha miyaa?

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in goor dhoweyd ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow diyaarad siday gaadiidka aanay xabadu karin.

Gawaadhida laga dejiyay Doolow ayaa waxa garoonka degmadaas kula wareegay Guddoomiyaha degmada Doolow, Cali Faarax Mire, Taliye Bakaal Kooke iyo Taliyaha NISA ee degmadaas.

Gawaaridan ayna xabbadu karin ee laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa sababta Diyaaradaha loo saaray ay tahay Dhulkiii ay mari lahaayeen ayaa waxa haysta Alshabaab.

Dhulkan iyo deganadan la dul marayo waxa degan Soomaali kuwii ugu itaalka yaraa ayna aadka u saamaysay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya , maantana ay Xooga ay ku haystaan Alshabaabka la dul marayo.

Haddii ay Soomalinimo jirto oo dalka la wada leeyahay, soo ma ahayn in beesha Jareer weyn iyo beelaha kale ee la hayb sooco ee dega Shabeelada hoose, Bay iyo Bakool laga xoreeyo alshabaab sida kuwa jooga gobolka Gedo

.

164116946_3913858595327133_1375014894975
163897746_3913862361993423_4647894860994
164293356_3913863558659970_5222175508635
163930751_1400043723695389_3339974908862

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*