29th March 2024  admin  Category :

Fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf jibriil oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolaanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobadiisa 61-aad iyo 132-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaa Golaha Wakiillada lagu hor dhaariyey 8 Xildhibaan oo cusub kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannada.

Magacyada Xildhibaannada cusub ayaa kala ah;

1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)

2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax

3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase

4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac

5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)

6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)

7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse

8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa gudo galay inay qodob-qodob uga doodaan Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha kaas oo ka kooban 36 Qodob.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*