26th April 2024  admin  Category :

Deni oo kulan hab Maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan hab maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ka socotay ee kulankan ka qeybgalay waxaa hoggoominayey Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, waxaana ka mid ahaa Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada Norway, Sweden , Germany iyo Masuuliyiin ka tirsan World bank.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee uu Puntland ku yeelan karo, diyaar-garowga Puntland ee Cudurkan iyo doorka beesha caalamku ka qaadanayso dadaalka socda ee Puntland kaga hortegayso Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowladda Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Qorsheynta iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*