18th April 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Hawiye miyeey ka gardaran yihiin oo ka been sheegayaa Madaxweyne Farmaajo?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow, wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, wasiirkii hore ee caddaladda Soomaaliya Faarax Cabdul qadir, wasiirul dawlihii hore ee madaxtooyada Mahad Salaad, Gudoomiyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya Fiqi, Xildhibaan Aqal sare Ilyaas Cali Xasan iyo Xildhibaan Aqalka sare Bukhaari , intuba waxay shegeen “in aan la joogin waqti lo hanjabo lana xiro saxaafadda madaxanaan. “In loo hanjabo oo la xiro saxafiyiinta si loo aamusiyo, ma caawineyso Dimuqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Hawiye, ayaa ka hadalyey xariga Cabdicasiis Gurbiye oo ah Tifatiraha Goobjoog  , oo dhowaan la xiray , ka dib markii uu sheegay in mishiinkii qura ee lagu neefsanayey Cisbitaalka Martini uu qaatay madaxweyne Farmaajo oo gaystay Gurigiisa.

Arinta ayaa Villaa Wardhiigleey kaga jawaabtay Xarig ay xirto weriyaha iyaga oo aan beenin inay Mishiinka rarteen , taasina waxay kaga caraysiisay inta badan Siyasiyiinta Hawiye.

Waa fadeexad iyo musuqmaaq kii ugu weynaa in madaxdii Soomaaliyeed lagu eedeeyo inay qaateen halkii mishiin ee lagu neefsan lahaa xaaladda adag ee maanta aduunku ku jiro iyo Cudurka Coronavirus oo bar tilmaamaysanaya Sambada oo neeftu kugu dhegayso marka uu kugu dhaco, oo aad u baahanayso Mishiin kaa kaalmeeya neef qaadashada.

Sidoo kale Siyaasiyiinta diidan hogaanka Farmaajo, ee u badan Xildhibaano, iyaguna waxay ahayd inay arintan u saaraan Guddi soo baarta xaqiiqda arintan ka jirta , iyaga oo la xiriiraya madaxda cisbitaalka, Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kaleba. Halkii intaas ka samayn lahaayeen, oo sida sharcigu u banaynayo mari lahaayeen, waxay ka doorteen inay ku kiciyaan beesha Muqdisho in Farmaajo Neefta ku wada dhejinayo.

Ugu danbayntii Caalamka intiisa kale waxay la tacaalayaan la dagaalanka xanuunka Coronavirus, halka Soomaaliya madaxdii ugu saraysay lagu eedeynayo in Qol gurigiisa ka mid ah oo ka samaysanayo ICU, oo MISHIINKII qura ee Cisbitaal Martini yaalay uu gurigiisa gaystay. Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka maalmo ka hor isagana musuqmaasaq loo xiray. Deeq Dawooyin ah ee ay dhowaan dalka Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyadana lagu sheegay, iyada oo fariintan laga soo qaaday sirdonka Qadar

Image may contain: ‎1 person, ‎text that says '‎ياسر أبوهلالة @abuhilalah #الإمارات تسيّس المساعدات غبي لتعميق الانقسام في #الصومال !المساعدة الطبية الإماراتية للصومال لمحاربة COVID19 تتألف فقط من صابون اليد الأساسي. ويسبب هذا جدلاً هائلاً في الصومال حيث تلقت ،في المقابل، أرض الصومال وبونتلاند معدات الوقاية الشخصية.‎'‎‎
ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

One thought on “HAG uma kala harin eedaynta Farmaajo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*