26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Hogaanka dhaqanka Degmada Dahaahr

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, ayaa kulan la qaatay hogaanka dhaqanka ee Degmada Dahar

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka degmadu la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka , iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi ayaa dhamaadkii kulanka hadal u jeediyay Odayaasha dhaqanka , wuxuu ku bogaadiyey ka shaqeynta midnimada, Nabada iyo horumarka Gobolka, isagoo u sheegay in Dowladdu ay Gobolka ka hirgelinayso adeegyada dowliga ah ee asaasiga ah.

Image may contain: 5 people, people sitting and shoes
Image may contain: 3 people, people sitting, wedding, shoes and indoor
Image may contain: 6 people, people standing and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*