19th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Ganacsatada gobolka Mudug.

Ganacsatada Gobolka Mudug oo warbixin la wadaagay Madaxweynaha waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha isbedelka dhinac walb leh ee horumarka ah oo ay dowladdu ka wado Gobolka Mudug, iyagoo sheegay inay marwalbo diyaar u yihin doorkooda isgarabtaaga Dowladdnimada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey kaalinta ay ganacsatada Gobolka Mudug iyo Guud ahaan Puntland ay kaga jiraan Dowladdnimada, wuxuuna kula dardaarmay inay sii horumariyaan doorkooda muhimka u ah bulshada, sida dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka.

Kulanka waxaa Madaweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*