
26th November 2026 admin Category :
Xildhibaan Cabduqaadir Saalax Guuleed ayaa ka qayb galay kulan mahadnaq iyo qado-sharaf ah oo ay bulshada deegaanka Mindigale ee gobolka Sanaag u sameeyeen guddiga iyo shaqaalaha ka shaqeynaya dhismaha waddada Ceeldaahir–Ceerigaabo.
Kulankan ayaa muujinayey taageerada iyo abaal-mahadka ay bulshada deegaanka u hayaan dadaalka ay wadaan guddida iyo shaqaalaha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta isku xirka gobollada iyo fududeynta isku socodka bulshada.
Xildhibaan Cabduqaadir Saalax Guuleed ayaa uga mahadceliyey bulshada deegaanka dhiirrigelinta ay u muujinayaan hawl-wadeennada waddada, isaga oo sidoo kale bogaadiyey dadaallada ay wado Dowladda Puntland ee ku saleysan difaaca dalka iyo horumarinta deegaanada.
i
ildhibaan Cabduqaadir Saalax Guuleed ayaa ka qayb galay kulan mahadnaq iyo qado-sharaf ah oo ay bulshada deegaanka Mindigale ee gobolka Sanaag u sameeyeen guddiga iyo shaqaalaha ka shaqeynaya dhismaha waddada Ceeldaahir–Ceerigaabo. Kulankan ayaa muujinayey taageerada iyo abaal-mahadka ay bulshada deegaanka u hayaan dadaalka ay wadaan guddida iyo shaqaalaha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta isku xirka gobollada iyo fududeynta isku socodka bulshada. Xildhibaan Cabduqaadir Saalax Guuleed ayaa uga mahadceliyey bulshada deegaanka dhiirrigelinta ay u muujinayaan hawl-wadeennada waddada, isaga oo sidoo kale bogaadiyey dadaallada ay wado Dowladda Puntland ee ku saleysan difaaca dalka iyo horumarinta deegaanada.






