
16th November 2025 admin Category :
Halka uu dhagax dhigay Warsheekh, Puntlandna wuxuu ka dhex abuuray Fawdo iyo jabhado.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, oo maanta wareegto uu soo saaray ku sheegay in beesha Warsangeli, oo ka mid ah beelaha Puntland, waxna ka dhistay, oo ayna jirin haba yaraatee jirin meel ay uga baxeen maamulkaas . Sidoo kalena aan waxba laga waydiin Isimadooda iyo waxgaradkooda , ayuu sheegay inay ku darayaan Khaatumo. Arintan ayaa waxay abuuri kartaa khal khal amni iyo in beelihii u diyaarka ahaa la dagaalanka argagixisada buuraha Calmadow lakala qaybiyo, oo alshabaabku halkaas ku sii xoogsadaan.
Saacado ka dib markii madaxweyne Culusoow soo saaray wareegtada lagu kala qaybinayo bulshada Puntland oo horseedi karta dagaal sokeeye ayuu dhagax dhigay garoon caalami ah oo laga dhisayo deganada Beesha Abgaal ee Warsheekh
Dhagax dhigan, ay dhagax dhigeen Culusoow, Muungaab iyo Cali Guudlaawe, oo ka soo wada jeeda Beesha Abgaal, ayaa waxa ku weheliya Wasiir Geesood oo ka soo jeeda beesha Warsangeli, oo ah ninka loo xilsaaray inuu jabhado ka sameeyo gobolka Sanaag . Wuxuuna abuuray oo hadda wadaa koox hubaysan oo la sheegay inay taageeri doonaan Khaatumo.
Wasiir Geesood, si shaqadan foosha xun uu u qabto, waa ninkii lagu bedelay Wasiir Ilko jiir oo diiday inuu shaqooyinkan foosha xun ee beelaha Puntland layska hor keenayo uu ka qabto gudaha Puntland. Waxaa ku weheliya Geesood oo la shaqaynaya Xildhibaanka Aqalka sare Saynab Tiimbiye iyo Gudoomiyihii hore ee Puntland Cabdirishadoiid Jibriil







